|

Mas’uuliyiinta Degmada Laascaanood oo Kulan ay ku darsayaan Horumarinta degmadasi uu furmay

Laascaanood 25.Aug 2013 (SDN) Agaasimaha guud ee wasaradda Qorshaynta iyo horumarinta ee JSL Md cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa  kulan u furay Mayor-ada Degmooyinka Gobolka Sool iyo isu duwayasha Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee Gobolkasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka OkKulankan oo lagu daraasadaynayo dejinta qorshaha horumarineed ee Gobolka Sool ayaa lagu soo bandhigi doonaa baahiyaha aasaasiga ah ee degmooyinka Gobolka, iyadoo loo kala hormarin doono sida ay u kala muhiimsan yihiin.

Sida la ogyahay kulankan qabashdiisu waxa ay ka dambaysay daraasad balaaadhan oo ay wefti wasiiro ahi muddo bil ah ka soo diyariyeen gobolkaasi, natiijadii darsadooduna ay keentay in xukuumaddu ay gobolk u dirto wasaaradda qorsheynta Qaranka.

Laascaanood SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed