Mas’uuliyiin Qumannahoodu Qoorta U Sudhan Yahay Oo Shalay Ku Kala Calaf Qaaday Feedhka Miisaanka Dhexe Iyo Wasiir Ilkuhu Dhaqaaqeen Oo Agaasimihiisii Shaqada Ka Joojiyey
Hargeysa:14-Oct-2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa la sheegay inay shalay Faraha isula tageen kadib markii dagaal fool ka fool ah oo adag xafiiska hoosta isaga soo xidheen, iyadoo la waayay cid kala qabata.
Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay gacan ka hadalka wasiirka iyo agaasimihiisa guud hase ahaatee wararka laga helo ilaha u dhuun daloola wasaaradda Caddaaladda ayaa tibaaxaya in khilaaf beryahanba wasaaradda ka dhex taagnaa uu sababay in labada Masuul shalay is gacan saaraan, kaas oo inta la ogyahay la sheegay inuu khasaare soo gaadhay wasiirka oo Nabaro ay ku dhaceen.
Dagaalkan ayaa lagu macneeyey inuu salka ku hayo arrimo maamul, balse ilaa hadda midkoodna kamuu hadal dagaalkaas iyo waxa sababay. Hawlwadeenno ka tirsan Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com oo isku dayay inay wax ka ogaadaan utanta gacan ka hadalkaas ayaanay u suurto gelin kadib markii ay noo suurto geli weyday inaanu khadka telefoonka ku helno wasiir Xuseen Axmed Caydiid iyo Agaasime Abiib Axmed Cali, iyagoo telefoonnadooda gacanta (Mobile) naga qaban waayay.
Hase yeeshee Warar xogogaal ah oo aanu Helay ayaa tibaaxaya in Wasiirku uu isla shalayba dagaalka ka dib shaqadii ka joojiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda ee gacan ka hadalku dhex maray.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa warku tilmaamayaa in Wasiirku dhaawac ka qabo Ilkaha inkastoo aan si rasmi ah oo shaacin natiijadda ka dhalatay dagaalka iyo sababta kelliftayba.
Labada Masuul ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa lagu sifeeyaa inay yihiin laba Baar-qab oo midkoodna aanu Kaftamin, kuwaas oo Qummanahoodu qoorta u sudhan yahay mid kasta.
Maamulka wasaaradda ayaa iyaguna shalay ku dadaalay inaanay xaaladdu dibada u bixin iyagoo isla markiiba arrinta dagaalka dembabasay lagana ilaaliyay in warbaahintu xog ka hesho waxaana Dhammaan Laamaha Wasaaradaasi lagu amray in aanay war bixin waxaana isla markiiba lala galay shir deg deg ah oo xaaladda soo food saartay Madaxdooda ku saabsan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com