|

Masuuliyiin ka soo horjeestay hanaanka doorashooyinka

Muqdisho December 04, 2024(QJ) – Qoraal ay soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayay ku diideen Guddigii Doorashada iyo Shuruucdii Doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ku tilmaameen falalkan kuwo ka hor imaanaya dastuurkii lagu heshiiyay.

Waxay sheegeen in tallaabooyinkan ay horseedi karaan khilaaf siyaasadeed, xasilooni darro amni iyo muddo kororsi aan dhamaad lahayn.

Intaa waxaa dheer, waxay uga digeen daneeyayaasha siyaasadda iyo dadweynaha in aan lagu kadsoomin geeddi-socodka cusub, iyagoo ku baaqay wadahadal loo dhan yahay si loo dhiso nidaam hufan oo ku salaysan dastuurka saxda ah.

Leave a Reply