Mas’uuliyiin ka socota wasaradda gashandhigga oo kormeeray Ciidabada Badda Soomaaliyeed
Muqdisho Jan 17 2013 (SDN)- Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku sameysay Ciidamada badda Soomaaliyeed, kuwaasi oo diyaar garow ugu jira xuska 51-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aasasay ciidamadasi.
Abuukar Xaaji Warsame Xuud Madaxa hogaanka siyaasadda ciidanka xooga dalka oo hogaaminayay mas’uuliyiinta wasaarada gaashandhigga ka socotay ee kormeeray ciidamada badda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dhoolatus heer sare ah oo ay ciidamadu sameeyeen.
Abuukar Xuud oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkoodu uu yahay sidii ay Ciidamada badda ugala qeyb qaadan lahaayeen munaasabada xuska 51-sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskooda.
Admiral Faarax Axmed Cumar Qare Taliyaha Ciidamada badda Soomaaliyeed oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xaalada ciidamada ay meel wanaagsan mareyso islamarkaan ay diyaar xoogan ugu jiraan sidii ay u xusu lahaayeen 51-sano guuradii ka soo wareegatay asaaskooda.
Ciidamada Badda Soomaaliyeed ayaa maanta dhoolatus aad loo la dhacay ku soo dhigay xeebaha Magaalada Muqdisho waxaana taasi ay dad badan dareyn siisay in ay dib u soo noolaanayaan ciidamadii badda Soomaaliyeed.
SDN-Muqdisho