Masuuliyiin ka Socdey Midawga Africa oo Booqdey Dugsi Hargeysa ku yaal
Hargeysa April 17,2012(SDN)-Xubno ka socday Ururka Midowga Africa ayaa Maanta Booqasho gaaban ku yimid Dugsiga Hoose dhexe ee Faadumo biixi oo ku yaala Caasimada Dalka ee Hargaysa .
Waxay xubnahani ka koobnaayeen Shan xubnood oo laba ka mid ahi ahaayeen Suxufiyiin iyadoo ujeedada socdaalkoodu ay la xidhiidhay mashaariic ay hore uga fuliyeen dugsiga hoose dhexe ee faadumo biixi iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada guud ee dugsiga.
Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee faadumo biixi Mr,Naasir Jaamac Bulaale ayaa weftiga warbixin ka siiyay heerarkii kala duwanaa ee dugsigani soo maray iyo halka uu maanta marayo isagoo sheegay in dugsigan ay wax ka bartaan arday ka badan Kun arday waxaa kale oo uu iftiimiyay meelaha u baahan dayac tir in lagu sameeyo si dugsigani u noqdo ayuu yidhi mid balaadhan oo ay ku soo hirtaan jiilka ku jira xiligii waxbarasho.
Geesta kale Faadumo biixi oo ah Gabadha loogu magac daray Iskuulkan ayaa iyana ka warantay tayada waxbarasho ee dugsigan iyo adeegyada u baahan in laga gacan siiyo .
Weftigan ayaa isla galabtaba dib uga dhoofay Gegida diyaaradaha ee Cigaal International airport .
SDN-Hargeysa