|

Masuuliyiin Ka Qayb Galay Shirkii Beljium-ka Oo Iska Dhiibay Waddamada Yurub iyo Sumcad-xumada ay Keeneen

Hargeysa:2-Oct-2013(SDN)- Wararka ilaa iyo Haatan aanu Helayno ayaa sheegaya  in Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya kana qeyb galay shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Brussels ee Dalka Biljimka in ay ku dhax dhuunteen dalkaasi ayna iska dhiibeen Dalal katirsan Qaarada Yurub.

buruslesXubno ka qeyb galay Shirka Brussels ayaa lagu waramayaa in la waayay halka ay jaan iyo cidhib dhigeen markii uusoo dhamaaday Shirka, waxaana hada soo baxaya dadka la waayay ee yurub dhinac ka galay in ay ku jiraan Masuuliyiin katirsan Dowada Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowlada ee la waayay Yurubna ku dhax dhuuntay lana rumeesan yahay inay iska dhiibaan ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo warkiisa la waayay waxii ka dambeeyay maalintii uu shirka soo dhamaaday.

C/Qaadir Siidii oo kamid ahaa Gudoomiyaashii Gobolada Dalka ee Shirka ka qeyb galay ayaa ka hadhay Xubnihii Dowlada ee shirkaasi ka qeyb galay iyadoona ilo ku dhaw Gudoomiyaha laga soo xigtay in uu Yurub dhinac ka galay iskana dhiibay Dal aan wali la shaacin.

Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa loo badinayaa sababaha uu yurub ugu dhuuntay iskagana dhiibay in ay tahay in uu ogaaday Qorsho xilka looga qaadi lahaa maalmaha soo aadan maadama ay kordheen dhibaatooyinka ka jira Gobolka uu Gudoomiyaha ka yahay .

Waxaa sidoo kale jira Xubno ka qeyb galay Shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Brussels ee looga hadlayay sidii taageero loo siin lahaa dowlada Soomaaliya in ay ku dhax dhuunteen Dalka Biljamka kadibna ay iska dhiibeen Dalal kuyaala Qaraada Yurub halkaas ay iminka ugu sugan yihiin qaab qaxooti ahaan ah.

Tallaabadan ay qaadeen Masuuliyiinta ka tirsan Dawladda Federalka Somaliya, ayaa waxa ceeb iyo sumcad xumo ku tahay Dawladda, waxana ay tani keeni kartaa inaanay dib u dhicin in Yurub la geeyo masuuliyiin Miiqaamkeedu hooseeyo, iyadoo taasina ay meesha ka saarayso malaayiin soomaali ah oo caalamka qaabkan oo kale dano kaga soo fushan jirey.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed