Masuuliyiin iyo taageerayaal ka xidhnaa mucaaradka Somaliland oo lasii daayay
Hargeysa. 10 October, 2022. (QJ)- Maanta waxa Xabsiga Wayn ee Hargeysa laga sii daayay masuuliyiin iyo taageerayaal ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyagoo muddo bilo ah xidhnaa xili aan la garanahayn wax sabab ah oo ay u xidhnaayeen.
Dadka lasii daayay maanta waxa ku jira Xoghayaha Ciyaaraha Xisiga Waddani, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga iyo taageerayaal ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.
Xukuumada Muuse Biixi oo dadkani ay u xidhnaayeen ayaa wayday eedo lagu soo oogo, iyadoo xeer ilaalinta Somaliland ku fashilantay dacwad u samaynta dadkan oo kiisas kala duwan kola lagu soo oogayay iyadoo la kaashanayo Maxkamada Gobolka oo iyaduna u jaraysay rummaan keenay in ay bilo xidhnaadaan.
Weli Somaliland waxa ka taagan khilaafka uu sababay go’aanka madaxweynaha Somalialnd iyo dmaaciisa ah in Doorashada Ururada la qabto ka hor Doorashada Madaxtooyada.