|

Mas’uul Sare oo Xisbiga Waddani ah oo Ku Eedeeyay Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali inuu Meel kaga dhacay Magacii Bukhaari ,Kuna Booriyay In Siyaasadda uu Isaga Baxo oo ku Noqdo Diinta iyo Shiikhnimadiisii Hore

Hargaysa 15.July 2014 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani UK Mudane Xusein Adan Cadde , ayaa simiisaan leh uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Xillibaan Bukhaari oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, oo maalintii shalay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Eedaymo culus u soo jeediyey ka dib markii uu siilaanyo ku canaanta in aanu waxba kaga filan oo aanu ka difaacayn eedaha ugu imanaya Xisbiga Waddani,

laanta UkHaddaba Warsaxaafadeed uu ku sexeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani UK, Oo Nuqul Kamid Ah Soo Gaadhay Qurbejoog.com ayaa u qornaa sidan.

Waxa aan doonayaa in aan maanta sadex qodob oo kooban ka idhaa, hadal ka soo yeedhay mid kamida Xilibaanada Golaha wakiilada Somaliland waa Saleebaan Bukhaari, oo ka mid ah golaha Sharci Dajinta Somaliland, oo shalayku tiraabay hadalo geed sare waab ah oo xaqiiqda ka fog.

Sida Magaciisa aad ka aragtaan waxa lagu naanaysaa Bukhaari, Magacaa waxa uu kula baxay aqoon iyo macrifad uu Diinta u lahaa isaga oo ummada barijiray Kitaabta Saxeexal Bukhaari, oo wakhtigii uu sheikhaahaa si fiican uu akhrijiray dadkana bari jiray,isaga oo wakhti yada qaar ahaa culimada fara kutiriska ah ee ku dhaqan wadamada qurbaha.

Daraasad la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in haddiiba ay Culimada Somaliland siyaasada galaan in ay isu badalaan wax aan la garanayn oo ay ka tagaan dhaqankii iyo usluubtii hore looga bartay, kitaab xoornimada Saleebaan Bukhaari waxa ay dhaxal siisay in uu ka xishoon waayo,in uu Been cad Bil Ramadaan Ummada la dhex yimaado oo aanu eegin bal xiliga iyo wakhtiga lagu jiro, oo ah wakhti Beenta iyo laqwiga la yaray san jiray, lana ixtiraami jiray bisha khayrka iyo cibaada ee Ramadaan.

Waddani waa ka marwalba ka diga khatarta iyo dhibka inagaga imankarta Shirarka lala yeelanayo Dawlada Xamar oo xukuumada Kulmiye si qorsha la’aan iyo dhuumasho ah ay ugu ka liyaysato waxyaabaha ku sabsaan wada hadalada Somalia oo dhawaan anagu Mucaarid ahaan aanu soo jeedinay gabi ahaanba La joojiyo, wada hadaladaDawlada Xamar.

Fashilka iyo itaal darida lasoo daristay xukuumada kulmiye waa mid muuqata oo aan ummada ka qarsoonayn, sacabna Baabaco laguma qariyo, taasna waxa u daliil ah, Todobaadkii muaranka iyo jaahwareerka siyaasadeed ka dhex oognaa Xisbiga Kulmiye, hadaladii iyo wedhihii loogu talagalay in Somaliland lagu mijo xaabiyo ee ay midhiyaha isu marinayeen , masuuliyiinta uga saraysa Xisbiga kulmiye , taasi oo dhaawac weyn ugaysatay nabad galyadii guud ee wadanka.

Hadaan wax idinka xasuusiyo , xukuumadda kulmiye waxa ay qoloba qolada kale ku eedaynaysay,inay soo maleegayaan oo ka danbeeyaan qaraxyo lagu sheegay in laga samaynayo shaani ,iyada oo inta badan lagu eedaynayay Gudoomiyaha Kulmiye oo isaga ah hogaanka Xisbul Xaakimka talada haya, waxana arintaa ka hadlay masuuliyiin isuga jira wasiiro, xilibaano, guurti iyo waliba odayaal lasoo abaabulo oo iyagu ah madaxdhaqameed ay wasiirada xukuumadu dabada ka riixayaan, oo dhamaantood ku eedaynayay in uu hogaanka kulmiye ka danbeeyo qaraxyada.

Waxa isna muddo laba todobaad ku dhaw cajalad lagaga soo qabtay goor habeenima Xafiiskiisa , Madaxweynaha Somaliland oo isna ka hadlay sida xaal yahay, oo isna eedeeyay Masuuliyiintii uu amniga u xilsaaray in ay ku guul daraysteen in ay soo qabtaan cidda shaanida qarxinaysa, waxa kale oo uu sheegay in ku wii rabay in dalka madaxweynayaal ka noqdaan ay yihiin kuwa qaraxa maleegaya isaga oo markaa ula jeedayGudoomiyaha Kulmiye.

Haddiiba uu Madaxweynuhu Dhaliilo ama qawado shaqada qaar ka mida masuuliyiinta uu shaqadau dirtay, waa laba mid uun, in masuul kaasi is casilo iyo in uu Madaxweynuhushaqada ka caydhiyo, tiina ilaa maanta may dhicin.

Sidoo kale waxa isna ka jawaabay eedahaa uga yimi Xisbigii uu Gudoomiyaha u ahaa Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aan isaga laftiisu ka baydhin wadadii saaxiibadii ee ahayd tii qaran dumisnimada ahayd ee ku saabsanayd in la dhaliilo amniga waxana uu yidhi (Qolyaha amnigu wax ala wax ay la socdaan ma jirto, 20 cisho ayay Hargaysa ku sugnaayeen nimankiiJabuuti Qaraxa ka Fuliyay, ma xay u ogaan waayeentaa).

Hadalkaa muusane waxa uu noqday dhaawac kale oo soo gaadhay guud ahaan amnigii Somaliland,oo uucaasimada Hargaysa ku shaanbadeeyay meel lagaga duulo Wadamada Jaarka ah,waxana ay noqotay in caalamkii calaamatul su’aal saaraan isku halaynta dhinaca namada ee Somaliland maadaama oo ay xukuumadii qirtay in aanay haayadaha amniga Somaliland ahayn qaar sidii larabay u shaqaynaya, waana ta sababtay in ay wadamada jaarku xuduudohooda xidhaan.

Xukuumada maanta talada haysaa waa mid afkeeda rabta inay ku bakhtiiso iftiinka nabadeed ee ka soo bidhamayay geeska afrika ee dhamaan caalamku ay ku majeeran jireen nabadda iyo dumuqraadiyada curdinka ah oo aad moodo in ay maanta xukuumadani halis ku tahay, somalidu waxa ay ku maahmaahdaa macal cune soo bixidoonee.

Gabaga gabadii waxa doonayaa in aan ka hadlo oo aan iyana wax ka idhaa, hadalo deel qaaf ah oo aan loo meel dayin oo ay kula dul kufaan Afhayeenka Xisbiga Wadani Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, Xubno ka mid ah Golaha wakiilada oo kaga mashquulay wax u qabashadii shacabkii soo doortay difaaca xukuumada kulmiy, in marka ay xejin kariwaayaan eedaha dhalilaaha sida qoraxda u cad ee loo soo jeediyo in ay meelo kale isku qaadaan oo ay yidhaahdaan niman qaarabadiisa ah oo xamar jooga ayuu xidhiidh la leeyahay.

Ibraahim waa mudane laga soo doortay Hargaysa,qarankana waa u dhaartay, eedaha raqiiska ahina waa qaar ka hor imanaya nidaamkii iyo hanaankii dimuqraadiyadeedee aanu qaadanay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa warsaxaafadeed kaygan,dadku waa ka dharagsan yihiin in uu ay dayacantay masuuliyadii talku, tuhunka ah in aanu madaxweynuhu wadanka ka talin waa mid isa soo taraya oo aan lagu baajin Karin, lacag la badalay, waddo la dhagax dhigay iyo wax la mid ah.

Waxa loo baahanyahay in hogaanka dalku uu ummada la hadlo, oo uu saxaafadda lahadlo, wada hadalna waxa ka hadhay marka ololuhu soo dhawaado oo aanu anagu ka mucaarad ahaan dalbanayno in ay goob fagaare ah isugu yimadaan sadexda musharax oo ay halkaa ka doodaan, TV-yaddana Si LIVE ah loogu soo bandhigo doodaas maanlintaas ayay soo bixii, in uu Axmed-ku Axmedkii yahay, iyo in aanu Axmed-kaanu naqaanay ahayn.

ALLAA MAHADLEH.

GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI UK.

MUDANE XUSEIN ADAN CADDE UK

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed