Ma’suul Koob-Sadey Sifooyin Badan Oo Madax-tinimadu Leedahay/Qalinkii Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil
Wasiir ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Warfaafinta C.waaxid C.qaadir C.raxmaan Shaqsiyada Noocee Ah Buu Ahaa Maxeyse Ku Xasuusan doonaan Shaqaalaha Bahda Warfaafintu?
Taariikhdu waa mudan waa jire markhati leh
Mar bay ahayd aduunyadu mugdi lagu halaaboow
Mahadhooyin badanoo dadku ayda magan sado
Ka tashade miroodkii qarni waliba si u maal
Casri waliba maaree hadba meeris looga gudub
Dunidii manaysneyd maskax lagu furfuro iyo
Muruq loogu sahan tago waxa barey mushkiladaha
Ereyadii Abwaan Xasan Xaaji C.laahi (X.Ganey),
Shaqsi kasta oo waxa qora ama alifa waxa ku kalifa dhacdo ama arin uu la kulmey ama looga sheekeeyay waxaan isku dayayaa in aan qoraalkeyga aan ku eego shaqaadeydii xiliyo aan ku sugnaa iyo wax yaabo badan oo aan la kulmay wakhtigii shaqadeydii iyadoo ay dhacdo in aad aragto wax yaabo kala duwan ayaa kula soo darsayo qaar aad u qadan waydo iyo kuwa ku soo jeeta oo noqda ma hadhooyinka shaqadaada Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta s.land imikana ah Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Md C.waaxid C.qaadir C.raxmaan taariikhda 25.bisha june sanadkii 2013-kii ayaa loo soo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta halka wasiirka warfaafintana loo soo magaacey C.laahi Maxamed daahir (Cakuse) isagoo wasiir ku xigeen C.waaxid xilka hayay ilaa iyo 28/02/2015 oo loo badaley wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada,
Mudadaas uu xilkaa wasaarada hayay ayaa lagu xasuusan doonaa hawlo badan oo muhiim ah oo uu qabtey iyo hab dhaqankiisii wanaagsanee ee uu kula dhaqmi jirey shaqaalaha warfaafinta, C.waaxid C.qaadir C.raxmaan waa shaqsi af gaaban oo dabeecad wanaagsan waana nin dhageysta shaqaalaha waxa uu had iyo jeer muujiyaa qadarin iyo karaameyn marka lala hadlayo waxa uu isku dayaa in uu dhiiri galiyo shaqaalaha marka uu arko qof shaqo wada waxaan ku arkey sifooyin aan la qushuucey waxa uu isku soo jiidaa dadka kala afkaarta ah shaqadiisa waxa uu ku dadaalaa in uu horumariyo xafiiskiisa waxa uu soo fadhiistaa salaada hore iasoo fadhiyay wakhti badan waxaa dhacda inaad aragto iyagoo shaqaaluhu wata shaqadooda uu kor u meero dhiiri galina uu siiyo, Dhalinyarada wasaarada warfaafinta had iyo jeer waxa uu siiyaan jirey dhiiri galin talooyin iyo guubaanin la xidhiidha mustaqbalkooda iyo shaqadooda isagoo ku dardaari jirey in ay aqoontooda kor u qaadaaan kuna dadaalaan horumarinta xirfadooda shaqo waxaa marag u ah( 2-dii bishii October 2014-kii) waxa uu wasiir ku xigeen C.waaxid C.qaadir C.raxmaan sameeyay arin ugub ku ah wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta s.land oo ahayd markii koowaad ee dhalinyaro wasaarada ka hawl gala iyo dhalinyaro kale oo saxafiyiin ah oo dhamaystey jaamacada dalka uu masuul sare oo wasaarada warfaafinta maamulaa uu u sameeyo munaasibad dhiiri galin ah oo lagu garab sitaagayo kobcinta aqoontooda dhalinyaradaas saxafiyiinta ee jaamacada hargeysa ka qalin jabiyay 29 Septenber 2014-kii oo kala ahaa (Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaacil, Axmed-zaki Daahir Xaasan, Sadaam Maxamed Axmed iyo Barkhad Maxamud Kaariye) oo ka kala socdey saxaafada dawlada iyo kuwa madaxa banaan iyadoo geesta kale arintani ahayd mid muujinaysa sida masuul kan ay uga go’an tahay mideynta iyo isku soo dhaweynta saxaafada madax banaan iyo ta dawlada,
waxa uu ahaa mid lad qabeeyay dadka kala cadhoodha una soo jeediyay in ay isa saamaxaan oo ay walaaloobaan isla markaana u iftiimin jirey in isku duubnaan shaqaaluhu ay tahay ta salka u noqon karta horumarka shaqadooda iyo mustaqbalkooda labadaba waxaa aragtideyda ku cabiri lahaa in uu ahaa masuul koob sadey sifooyin badan oo madaxtinimadu lee dahay oo ahaa Cibaado wanaag, go’aan qaadasho,Dulqaad,Daacadnimo Karti, Balan Oofin, iyo Hagrasho la’aan.af gaabnaan iyo siyaasad wanaag maskaxda shaqaalaha warfaafintu ma ilaabi doonaan wada shaqayntii dhex martey wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta imikan ah wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada
alle waxaan uga bar yaynaa in xilka cusub ee loo dhiibey uu ku asturo mustaqbal siyaasdeed oo wacan hankiisa siyaasadeedna uu u hir galiyo ayaanu u rajaynaynaa masuulkaas oo kasbadey quluubta shaqsiyaadkii la soo shaeeyay markasta qofku waxa uu maankiisa ku hayaa wax yaabaha uu la kulmiey sida Qof taariikhi ah,Wakhti taariikhi ah, Goob taariikhi ah, Masuul taariihki ah, iyo Hadal Taariikhi ah
Xasuusteydaa ayaa inaas ku sookoobayaa inta maankeygu ka qabtey shaqooyinkii iyo wakhtigii uu wasaarada warfaafinta madaxda ka ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafintu
wa bilaahi tawfiiq
Qalinkii Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil
Email: akiid14@gmail.com ama @ridwaan-akiidtwitter.com
Tell: 065-9109190 Ama 063-4417227