|

Master-Plan kii kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland oo Shirkado Sameys ah u gacan galay Maadaama Musuq-maasuqii xadhkaha Goostay

Shirkadaha shidaalka ka baadha SL oo gaadhaya ilaa 12 shirkadoodd waxay wada haystaan Liisamo  badan oo aan sharciga la soo marin oo xaaraan ah,  Waxaana ay degaano badan oo daaqsinta xoolaha ku wanaagsanaa ay uqaybsadeen BLOCK -by Block , Waxaa hadaba  shirkadahaa oo lacag fara badan laga qaatey ay ku dhawaaqeen  in sida ugu dhakhsaha badan loogu sameeyo Ciidamo nabadgelyadooda suga, Ciidankaa oo ay ku bixiyeen $ 25-Million oo Dollar, ku waas oo qaar ka mid ahi ay ka shaqo geli doonaan  JSL Dhamaadka  sanadka 2015. Waxaanu leenahay Xukuumada ciidamadan OPU -da ee loo qoranaayo dadkii dalka lahaa kuma jirto maslaxada guud iyo sugida nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland.

Waxaa Xukuumada  Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso  Genal Energey iyo shirkadaha kale ee  DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, DOPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP iyo Shirkada Chineska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka baadha kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin si ay u ansixiyaan oo shahaadad maalgashi ay u siiyaan.

1-     Waxay aheyd in xukuumadu ay Sameyso Sharciyadii  Shidaalka iyo macdanta dalka inta aan Liisamada  la bixin.

2-     Waxay aheyd in  Heshiisyada ay Xukuumadu la gelayeso Shirkadaha Shidaalka iyo macdanta  in Baarlamaanka laga ansixiyaa oo la xalaaleeyo.

– Ciidamada loo qoraayo shidaalka iyo macdanta dan uma aha xasiloonida guud  ee amniga iyo nabadgelyada dalka oo Waxay khal-khal gelinayaan Nabadgelyada dalka

– Dan uma aha  duruufaha maanta ka taagan gobolada cidhifyada ee bariga iyo Galbeedka iyo danta guud ee qaranka

– Dan uma aha dhawrida loo qabo in la dhawro xasiloonida guud iyo wada jirka shacabka walaalaha ah ee reer S/Land

– Waxay shirkaduhu cagta marinayaan dhul daaqsimeedka dalka taas oo Saameyn taban ku yeelaneysa Xoolo dhaqatada iyo beeraleyda degaanadaa degan.

– Heshiisyada lala gelaayo Shirkadahaa shidaalka waxaa cabsi xoogan laga qabaa in Ciidanka OPU-du xoog ku muquunin doonaan dadka xoolo dhaqatada ah ee degaanadaa degan.

– Hadii ay taasi dhacdo oo Shirkadahaasi aaney raali gelin dadka degan degaanada ay baadhayaan oo khasaare degaan iyo mid duunyoba ay ugeystaan waxaa lala tiigsan doona Maxkamadaha  Caalamiga ah.

-Shirkadahaa  Shidaalku iyaga ayaa masuul ka noqon doona khasaaraha gaadha Bayada (environment) xoolaha, biyaha ceelasha, berkadaha iyo baliyada, Guryaha iyo beerahaba,

– Genel Energy waxay qiratey in ay ilaa 45 million doolar dib ugu celineyso Degaanada ay Shidaalka ka baadheyso, Meeday lacagtaasi ?? Waa cadaan in lagu qaybsaday qaleylka maadaama aan degaanadaa wax buuran loogu qaban.

 

Gunaanad:   Somaliland waa dal yar oo curdin ah oo aan weli la ictiraafin, Waxaana uu ku yimi Beelo isu yimi oo cahdi wada galay oo isku tashadey iskuna raacey  in ay noqdaan dal ka madax banaan SOMALI WEYN.Waxaana ay  beelahaa isu tegay ku heshiiyeen in ay noqdaan Dal iyo Dad mideysan  oo wax wada yeesha si ay wadankooda u-dhistaan.Waxay ku heshiiyeen in anfaca, agabka mansabka, macdanta  iyo ilaha dhaqaalaha ee wadanka si cadaalad ah ay u wadaagaan. Laakiin taasi may dhicin maanta oo musuq-maasuqii ayaa dulaca furtay oo waxaa la isu sameysanayaa Sharciyo gaar ah, Ciidamo gaar ah , waxaana la isu gashanayaa Shaadh-dhadh cas –cas lagana yeeli maayo Xukuumada Talada Haysa ee waqtigeedii uu dhacay ee Maandhaytkeedii uu dhamaaday in dalka iyo dadka ay XOOG iyo XEELAD ku sii haysato.

 

La soco ——————————– ?

 

Waxaan idiinku soo garoocayaa-

Weli dawliskii qarankeenu diri buu ku sii dhacayaa

Weli afdiinlaha  wakiiladu dhamac buu afuufayaa

 Ee Allow sahal amuuraha aakhiro samaan oman baa yimiye.”
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
UK

Comments are closed