|

Mashruucii Baanka Aduunkee Somaliland Wuxuu La Mid Noqdey; BARNAAMIJKII QIIMEE QOFKAAGA!!

Munaasibad maalintay taariikhdu ahayd 11/3/2013 ka qabsoontay hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa lagu shaaciyay 56 ruux oo lagu sheegay ganacsadayaal oola yidhi waxay ku guulaysteen lacagihii deeqaha yaryar ee mashruucii baanka aduunku ku maalgalinayay ganacsatada Somaliland.

Mashruucan oo soo bilaabmay bishii 11 aad ee dabayaaqadii sanadkii 2012 isla markaana lacag qadarkeeda lagu sheegay 14.1 milyan dolar inuu baanka aduunku ku maalgalinayo ganacsatada Somaliland,ayaa waxa wajigaa koowaad la bixiyay 4 milyan oo dolar.

Mashruucyadaasi ayaa waxaa u tartamay 1750 qof oo reer Somaliland ah oo tacab iyo tamar badanba galiyay hasayeeshee faro madhan la diray. Hadaba inkastoo hadii sidii loogu talogalay loo maamuli lahaa mashaariicdani wax badan ku kordhin lahayd ganacsiga wadanka iyo nolosha dhaqan dhaqaale ee Somaliland hasayeeshee nasiibdarada dhacday waxay tahay in la musuqmaasuqay oo ayna lacagtaasi gaadhin dadkii loogu talogalay ee magacyo been ah iyo liisano ganacsi oo inta badan lagala yimiday qurbaha gaar ahaan wadanka ingiriiska oo isuduwaha mashruuca Mr Nagiib Xasan Xaashi dagan yahay.

Mudane Nagiib Hassan Xaashi oo ahaa isuduwaha Somaliland business firm ee mashruucan baanka aduunka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo madaxda xukuumada oo xilal haya oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga mr abiib iyo qaar kale ayaa ku heshiiyay oo magacyo iyo liisano ganacsi oo aan jirin ku wada qaatay lacagtii baanka aduunka.

Nagiib Xasan Xaashi ayaa isagu inta badan dad ay isku jufo yihiin oo dagan dalka ingiriiska u sameeyay liisano ganacsi oo been abuura sidaana ugu wada qoray lacagtii baanka aduunka.haatana dalka ingiriiska u tagay siduu ula soo xisaabtami lahaa qaybtii hore ee fushay qaybta labaadna iskugu soo habayn lahaa. waxaan jirin wax shuruudo ah oo dadka lagu kala saarayay oo aan ahayn qabyaalad iyo heshiisyadaa hoose waxaana jiray dadka qaar oo inta la yidhi waad guuldaraysateen markay hoos hoos ula faqeen lagu daray liiska dadka guulaystay. Hadaba iyadoo sidaasi looga wada warhayo umaduna wada ogtahay ayaa waxay tahay ayaandarada jirtaa in aan dawlada Somaliland wax talaabo ah ka qaadin hantidaa umadee la dhacayo iyagoo arkaya. Gebogebada waxaan u sheegaynaa masuuliyiinta sarsare ee baanka aduunka iyo hayadaha caalamiga ah ee maalgalinayay mashruucan inaan mashruucaa loo maamulin sidii la rabay isla markaaana lacagtii baanka aduunku la gaadhsiin dadkii loogu talogalay sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa in dib u eegis ay ku sameeyaaan mashruucaa iyo mashaariicda lagu bixiyey lacagtii iyo dadka la siiyay inay yihiin ganacsadayaal rasmiya oo reer Somaliland ah. intaas ayaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan koowaad hasayeeshee gadaal ayaan idiinku soo gudbin doonaa macluumaad faahfaahsan oo ku sahabsan magacyada liiska lagu qorey iyo musuqmaasuqii mashruuca baanka aduunka ee uu gadh wadeenka ka yahay Mudane Nagiib Axmed Xaashi Waxaana marag madoon ah in mashruucii baanku la mid noqday barnaamijkii qiiimee qofkaaga.

Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus)

 

Comments are closed