MASHRUUCA XOOLO NAAXINTA QOOLCADAY HAB DEGAN IYO TALO WADAAG HA LAGU WAJAHO
Wacan oo wanaaagsan bahda mareegaha iyo bulshooy.
Guud ahaan dalka iiyo deegamada oo idili waxaa ay baahi waayn u qabaan mashaariicda horumarineed,waxana cid kasta waajib ku ah in la soo dhoweeyo,lana tixgeliyo wixii xidhiidh iyo hayb la leh dhinaca horumarka . Waa marka xaaladda jirta si qumman loo odoroso,lana hufo. Mar kastana waa in laga feejignaado ka hor wixii carqalado keeni kara inta aan lagu hawshoonina laga wada xaajoodo.
Hadaba,waxaa xusid mudan in todobaadkan ay jirtay hadal haynta badan ee ku saabsan mashruuca lagu magacaabay xoolo-naaxinta oo lagu wada in laga hirgelin doono Banka Qool caday ee duleedka magalada Sallaxley,warbaahinta dalkana laga baahiyey.
Taasi awgeed,waxaa jiray kulamo ay yeeheen mas’uuliyinta xukumada iyo Odayaal ka soo jeeda Deegaanka mashruucan loo qorsheeyey oo aan wax midho dhal ah yeelanin. Waxaa u sabab ahaan qorshe iyo nidaam xumo ka muuqda dhinaca mas’uuliyinta Xukumada iyo xubno deegaanka ka soo jeeda oo gelbinaayey mashruuca. Waxaanad moodaa arrinta mashruuca lagu wajahay jid qaldan oo aan laga fiirsannin.
Waayo, waxaa xaaladu ahayd mid kidiso ah. Mana jirin wax war iyo waciyi-gelin ah oo bulshada deegaanka la gaadhsiiyey kulamada Hargeisa ku qabsoomay ee dhicisoobay ka hor. Sida aynu ogsoonahay,Banka Qoolcady waxaa ku nool boqolaal Qoys oo Xoolo dhaqato ah iyo kumanyaal Xoolahooda ah oo ay manaafacaadsadaan oo u baahan sahan iyo ka fiirsasho badan inta aan deegaankoodu lagu faro gelinin. Jees ama qoys ka kooban toban Qof ayaa guuritaankooda ka hor u baahda in loo sii sahamiyo goobta loo raraayo.
Banka Qoolcaday dhinaca Caasimada Hargeisa iyo dhinaca Hawdba waxaa kaga xayndaaban dhul seeraysan oo dadyow u xidheen habka beeraha,foodana aan la gelin karin,meel cagta la dhigana aan lahayn. Meel kale oo ka baxsan deegaankooda oo Xukumadu u qoondaysa bulshada loo qorsheeyey in ay guurana ma jirto ka dib marka laga bara-kiciyo ee deegaankooda ee lala wareego. Waxaa dheer oo kale in dadkan aanay Xukumaddu u soo bandhigin weli ujeedada dhabta ah ee loogu talo galay mashruucan seeraynta Deegaankooda. Haddiiba su’aalo laga waydiiyey masuuliyinta mashruuca hogaaminaya nuxurka mashruuca,waxaa ay ku jawaabayaan”Ma ogoshahiin mashruuca banka in la xidho,mise meelo kala ayaanu u leexinaa? ” iyo jawaabo la mid ah oo cago juglayn huwan basle aan lahayn innaba wax faa-faahin ah iyo isu-soo dhowayn toona,marka laga reebo in ay yidhaahdeen mashruuca waxaa idiinla socda laba ceel biyood,caws la idiin beero iyo rug caafimaadka xoolaha.
Waxaa kale oo ka muuqda habka loo wada mashruuca degdeg, wacyigelin la’aan, talo wadaag la’aan . Waxaanad moodaa in Madaxda mashruuca hogaaminayaa jecel yihiin in ay ku wadaan mashruuca habka is-maquuninta. Taasi oo haddii ay timaado aan khayr laga dheefi doonin,masuuliyideedana ay qaadi doonaan masuuliyinta hormoodka ka ah mashruucu.
Aragtidayda,waxaa qumman, in mashruuca deganaanshiiyo lagu hago. In Odayaasha deegaanka,waxgaradka, iyo hogaan dhaqameedka beesha gacanta laga geliyo deraasada dhabta ah ee loo qoodeeyey hirgelinta mashruuca oo muddo la siiyo oo ay kaga soo baaraan-degaan. In dhib iyo dheef waxa uu u leeyahay mushruuca ay si gundheer oo hufan u odorsaan bulshadda deegaanku. Ka dib go’aan hufan oo loo dhan yahay,aadna looga fiirsaday ay kula laabtaan xukumada iyo masuuliynta mashruuca hogaaminaaya.
Waa in laga feejignaado in beesha dhexdeeda la isu adeegsado,lana iska horkeeno iyada oo qaybo iyo ardaayo ka mid ah la soo dhowaysanayaa darteed si mashruucu degdeg ugu fulo. Wax walba waa in laga hormariyo midnimada bulshada iyo xasiloonida deegaanka banka iyo nawaaxigiisa. Waxaa jira ayaamahan muran iyo is-maandhaaf isa-soo taraya oo ka dhex aloosamay odayaasha iyo bulshada beesha oo salka ku haya mashruucan. Taasi aweed, waa in laga feejinaado ifafaalaha muuqda ee ah in bulshada deegaanka la qaybiyo,mashruucana degdeg loo guda galo iyada oo aan la bislaynin xaajada gunteeda. Masuuliyinta hagaya mashruucu waa in ay ogaadaan wixii fidno ka abuurma hawlgalka mashruucan in ay tunka u ridan doonaan. Taasi awgeed,mar walba waa in ay si taxadir leh u tukubiyaan hadba wixii lagu heshiyo ee lagama maarmaan noqda ee Bulshada raali geliyana qaderiyaan,danta guudna ku jirto insha allah.
Waa in ay mas’uuliyinta mashruuca hogaaminayaa debecsanaan iyo furfurnaan ku wajahaan bulshadooda,kulamada iyo la tashigana badsadaan insha allah.
salama calaykum.
Mohamed Adan Omer
Hargeisa.