Masar: Sharciga la dagaalanka Argagixisadda oo la soo saaray
05,Apr.2014(SDN)-Golaha wasiiradda ee dalka masar,ayaa ansixyay Sharciga la dagaalanka argagixisadda ee dalka Masar,iyaga oo u gudbiyay Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi si is-na qalinka ugu duugo.
Ansixinta Sharcigan cusub,ayaa ku soo beegmaysa xil uu Golaha Sare ee Jaamacadda Al-Azhar,uu isna ogalaaday in Ciidamadu ay soo galaan Xayndaabka Jaamacadda.ka dib markii la toogtay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Amaanka Masar.
Sharcigan cusub waxa uu sheegayaa in si adag loola dhaqmo oo talaabo adag-na laga qaado cid kasta oo ay ku cadaato inuu gacan ama taageero uu u fidinayo Xoogaga Kacdoonka ka wada dalkaasi,iyo cid kasta oo isku dayda inay dhidibada u taagaan Urur ama xisbi leh afkaar iyo Mabaadii’ka hor imanaysa sharciga iyo dactuurka u yaala dalkaasi.
SDN-Qaahira.
Contact@somalidiasporanews.com