Masar oo Xidhiidhka u Jartay Wadanka Suuriya Sheegtayna inay Caawinayso Shacabka Suuriya
Qaahira 16.June (SDN) Madaxweynaha dalka Masar maxamed Mursi ayaa sheegay inuu dalkiisu go’aansaday inay cilaaqaadka ujaraan maamulka dalka suuriya,hase ahaatee masar ay sii wadayso taageerada shacbiga suuriya ilaa inta ay xuquuqdooda ka helayaan.
Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi waxa kale oo uu ugu baaqay ururka Xisbulaahi ee dalka Lubnaan inay joojiyaan fara gelinta dagaalka Gudaha dalka suuriya ,farahana ay kala baxaan.
Waxaanuu madaxweynaha masar ka sheegay shir lagaga hadlayey taageerda suuriya oo ku qabsoomay magaalada Qaahira, waxa uu sheegay inaanu taageersanayn in cudud milateri lagu raadiyo xalka dhibaatada ka taagan dalka suuriya.
Madaxweynaha dalka masar Muxamed Mursi waxa uu ugu baaqay Golaha amaanka Qaramada midoobay in dalka suuriya xayiraad dhinaca cirka lagu soo rogo.
Qaahira SDN.
Qurbejoog.com