Masar oo sheegtay inay qabatay Gantaalo lagu sameeyay Maraykanka oo lagu waday deegaanka Qasa ee Falastiniyiinta iyo masuuliyiinta Amniga Masaarida oo ka hadlay
El-Arish January 04,2012 (SDN)- Masuuliyiinta amaanka ee dalka Masar ayaa sheegay inay qabteen lix gantaal oo lagu soo sameeyay dalka Maraykanka, ka hor intii aan loo gudbin magaalada Qasa ee Falastiniyiinta.
Sida uu ku waramay Foxnews, masuuliyiinta Masaaridu waxay sheegeen in gantaalahan oo ah nooca lidka Taangiyada iyo lidka Diyaaraddaha, maanta lagu qabtay meel duleedka u ah magaalada Al-Cariish ee waqooyiga deegaanka Siinaay ee wadanka Masar.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in qaar ka mid ah bulshada maxaliga ah ee deegaankaas ee Badaawiyiinta loo yaqaan ay ku hoggaamiyeen lixdaas Gantaal oo lagu qariyay god ku yaala dhulka Saxaraha.
Bishii hore, masuuliyiinta amniga Masar waxay gacanta ku dhigeen 17 gantaal oo lagu soo sameeyay Faransiiska, kuwaasoo lagu qabtay meel u dhow magaalada Al-Cariish, ka hor intii aan la marin godad dhulka hoostiisa ah, si loogu gudbiyo Gaza.
Qurbejoog.com, Qaahira