|

Masar oo noqotay dalkii u horeeyay ee hub geeya Soomaaliya iyo Siyaasi Cali Warancade oo dhaleeceeyay talaabadaasi

Hargeysa Mar 30,2013(SDN)-Madaxweynaha Masar isgoo ka faa´iideysanaya tala xumaddii ay qaramada midoobay kaga qaadeen cunaqabateynta hubka somalia.ayaa wuxuu noqday madxaxweynihii ugu horeeyey ee somalia u soo rara shixnado Hub ah oo qiimahoodu gaadhayo Malaayiin Dollar oo bilaash ah. Halkii laga filaayey in uu qayb weyn ka qaato dib u heshiisiinta dagaaladda ragaadiyey somalia, Maadaama Madaxda somalia ka talisa maanta lagu tiriyo dhinaca Masar  aynagacan weyn ku lahayd Masar soo bixistoodii.

Waxaa kale oo laga filayey Dowladda Masar in ay gacan weyn ka geysato kaalmada dhinaca bani´aadamnimada ee loo fidinayo Barakacayaasha ku darxumeysan Somalia gudaheeda iyo wadamada ay jaarka yihiin, ee uu barakiciyey dagaalada halista ah ee ka jira somalia gudaheeda.

waxaase muuqata in Madaxweynaha Masar uu u arkay fursad qaali ah cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Somalia, isla markaana dib u hurin karro colaaddii geeska ummadaha ku dhaqan ragaadisay ee salka ku haysay Loolanka biyaha Niilka, in kasta oo aanay xoolo uga cabin Niilka dadka af-somaliga ku haddla. haddana waxaanu soo dhaweyneynaa in khilaafka Niilka ee ka dhexeeya Masar iyo Ethiopia lagu xaliyo si caqli iyo wada hadal ah ee aan lagu xalin in hub la isugu dhiibo dadka ku nool geeska.

waxaan indhaha laga qarsan karin in hubka ay la soo degdegtay Masar uu halis ku yahay gobolkan, isla markaana loogu tallo galay in hubkaasi u soo gudbo

dhulka ay degaan Somalida Ethiopia , iyo dowladaha ay jaarka yihiin somalia sida Somaliland iyo dowladda Ethiopia , oo hadda ku mashquulsan horumar iyo sidii ay uga soo kaban lahaayeen colaadihii hore ee biyaha Niilka.

Sidaa awgeed waxaan ugu baaqaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Dowlada waaweyn, in ay ka hortagaan Hubkaa bilaashka ah ee lagu soo daabulayo Geeska africa ee ay ku deeqayso Dowladda Masar iyadoo ku fushaneysa danaheeda dhaqaale.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

HALDOOR . ALI MAHAMED WARANADE

HARGEISA,SOMALILAND

Comments are closed