|

Masar oo Maanta la isugu balansan yahay in ay ku kala baxaan Ikhwaanka iyo Ciidamada

Qahira Aug 16,2013(SDN)-Waxa maanta oo Jimce ah la dareemayaa cabsi dheeri ah guud ahaan dalka Masar ka dib hadal dhillo colaadeed xambaarsan oo ka soo yeeary dhinacyada isku haya talada dalkaasi.

Afhayeenka xisbiga Ikhwaanka Masar Gehad El-Haddad ayaa sheegay in ka goan tahay in ay ridaan ciidamada talada dalkaasi Maroorsaday.

“Waxaanu mar walba ka soo horjeednaa Colaada,waxaase naga goan in aaynu diidmo ku wejahno afganbigii ciidamada,diidmadana waan wadeynaa inta aanu ciidamada rideyno”ayuu yiri afhayeenku.

Wasiirka arrimha guddaha ee Masar Maxamed Ibrahim ayaa sheegay dhawaan in dawladu dib u hawlgelineyso ciidamadii amniga ee dawladii Maxamed Xusni Mubaarik.

Oraahdaa ayaa si weyn u baqo gelisay kooxaha u dooda xuquuqaha aadanaha ee ka hawlgala dalka Masar.

Si kastaba ha ahaatee waxa xalay dhaqan galay bandoow ay ciidamadu ku soo rogeen magaalada Qahira.

Dawlada dalka Masar ayaa sheegtay in ay Ikhwaanku laayeen tiro ciidamadooda ka mida oo gaarsiisay dhimashada ilaa 600 oo ruux.

Maanta ayaa Ikhwaanka taageera Madaxweynihii la afgenbiyay ee Maxamed Morsi ugu magacdareen “Jimcihii Gadoodka”.

Waxaana jira baqo weyn oo shacabka guryahooda ku heyn doona.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed