Masar oo maanta la guddo galay Ololaha Dooroshooyinka Madaxtinimo
Qahira April 3012(SDN)-Dalka masar waxa maanta ka bilowday ololaha doorashada,iyada oo ay saddex todobaad ka hadhsan tahay waqtiga loo qoondeeyey inay doorashadu ka qabsoonto dalkaasi.
doorashadan oo noqonaysa tii ugu horaysay ee dalka masar ka qab-soonta tan iyo markii la riday maamulkii madaxweynihii hore ee dalkasasi xusni mubaarik bishii febarweri ee kall hore ayaa waxa todobaadyadii la soo dhaafay ka aloosnaa muran xoogan oo ka dhashay murashaxiinta ay guddiga sare ee doorashooyinku ay ka diiday dalabkoodii ahaa inay ka qayb galaan tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
War-fidiyeenadu waxa ay sheegayaan , in loolanka madaxtinimadda doorashada soo socota ay ugu xoogan yihiin raga ku tartamaya Xog-hayihii Guud ee hore ee Jaamacada carabta Camar muusa iyo Murashaxiinta islaamiyiinta ah ee kala ah:C/muncim abul-futuux iyo muxamed Marsi.
Dhinaca kalena Golaha sare ee milateriga ka taliya dalka masar ayaa waxa uu golaha baarlamaanka dalkaasi gaadhsiiyey war gelin ku saabsan in waqti dhow la samayn doono isku shaandhayn golaha wasiirada ah, wakiilka golaha shacabka Asharaf saabit, ayaa isna u sheegay warbaahinta in shaandhayntan golaha xukuumadda ay saamayn doonto wasiirada oo keliya, balse aanu shaandhaynta ku jirin Ra’isal wasaaraha ku meel gaadhka ah Kamaal al-jasuuri.
SDN-Hargeysa