Masar oo looga dabaaldegayo Sanad Guuradii Labaad ee Kacdoonkii lagu Riday Mubaarak
Qahira Jan 25,2013(SDN)-Dalaka Masar ayaa maanta isu soo baxyo lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay Kacdoonkii awooda looga tuuray xukuumadii kaligii taliye Maxamed Xusni Mubaarik.
Isu soo baxayaasha ayaa dawlada cusub ee Madaxweyne Maxamed Morsi ku eedeysay in ay weecisay ujjeedooyinkii Kacdoonka,eed uu Madaxweyne Morsi beeniyo.
Taageereyaasha Xisbul Xaakimka Ikhwaanka ayaan iyagu ku dhawaaqin wax isu soo bax ah oo ay ku weyneynayaan maalintan,balse sheegay in maanta ay sameyn doonaan adeegyo wax loogu qabanayo dadka saboolka ah ee Masar.
Dalka Masar ayaa intii ka danbeysay xil ka tuuristii Mubaarik waxa uu ku jiraa jeha wareer Siyaasadeed oo aan ilaa iyo haatn aan sal dhigan.
Dawlada madaxweyne Morsi ayaa lagu eedeynayaa in ay taladii maroorsatay isla markaana sameysay Dastuur Masar kala qeybiyay oo awoodii dalka Madaxweynaha gacanta u gelisay.
Ma cada halka xaalka Masar sal dhigan doono,waxaase uu tusaale u noqondoonaa Kacdoonada shacab ee dunida Islamka ka dhaca sanadaha soo socda.
SDN-Qahira