Masar oo dhabahii colaadaha Sokeeya cagta saartay
Qaahira Dec 29,2013(SDN)-Ciidamada amaanka dawlada Masar iyo qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata ayaa iska horimaad ku dhexmaray jaamacada Al Azhar iyo jaamacado kale oo dalkaa ku yaal.
Ciidamada ayaa ardeyda mudaharaadeysa ku tilmaantay in ay yihiin taageereyaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Morsi.
Rabshadaha oo dhimasho sababay ayaa ku so beegmaya xili urur siyaasadeedka Ikhwaanka ay dawlada KMG ah ee dalkaasi ay ku sifeysat argegixiso.
Walaaca rabshadahani keeneen ayaa ah in ay Masar noqon kareyso dal ku biira dalalka Carbeed ee kacdoomadii shicib dhaxal siiyeen colaado aan dhamaaneyn.
Dawlada Masar ayaa haatan u muuqata mid ka soo bixi weydey hawlhii ay shicibku filayeen in ay u qaban doonaan.
Sidoo kale sida ay siyaasada ugu kala fogaadeen kooxaha Islaamiyiinta iyo ku culmaaniyiinta ee dalkaasi oo gaarsiisan heer dalkaasi dhaxal siin kareysa in uu galo dagaal sokeeye.
Si kastab ha ahaatee Waxaan ilaa iyo haatan aan xaalada dalka Masar wax faro gelin ah ku sameyn dalalkii ku baaqay in ay Masar u baahan tahay isbedel siyaasadeed.
SDN-Qaahira
contact@somalidiasporanews.com