|

Masar oo balanqaaday difaaca Soomaaliya

Qaahira January 21, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Qaahira. Waxa uu kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa intii ay ku guda jireen wada hadalkooda waxa ay kaga wadahadleen arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen waxyaabihii ay ka wadahadleen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya inay Masar kala shaqeyso dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, xasilloonida gobolka, iyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed iyo wadajirka labada dal.

Dhankiisa, Madaxweynaha Abdul Fattah Al-Sisi, ayaa tilmaamay saamaynta amni, ee xadgudubka dawladda Itoobiya ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. isagoo intaa ku daray Anagu waxaan si hagar la’aan ah u garab taaganahay walaalaheen, haddii ay naga dalbadaana kama waaban doono inaan wax la qabano.

Shirka jaraa’id ee ay si wada jir ah u qabteen ka dib, waxay labada Madaxweyne soo saareen war-murtiyeed ay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, horumarinta xasilloonida gobolka, iyo ka shaqaynta hadafyada guud ee wanaagga dalalkooda.

Comments are closed