Masar: Madaxweyne Morsi oo ka noqday digreetadii qalalaasaha dhalisay, kuna adkaystay qabashada aftida Distoor cusub
Qaahira 9, December 2012 (SDN)- Madaxweynaha wadanka Masar Mohamed Morsi, ayaa ka noqday digreeto uu awoodihiisa ku korodhsaday oo qalalaase siyaasadeed ka dhaliyay dalkaas.
Madaxweyne Morsi waxa uu ka noqday go’aankaas oo uu soosaaray bishii aynu ka soo gudubnay, taasoo u ogolaanaysay inuu helo awoodo dheeraad ah, balse qulqulatooyin siyaasadeed oo dhimasho sababay ka abuurtay dalkaas.
Afhayeen u hadlay Madaxweynaha, waxa uu sheegay in Madaxweyne Morsi tirtiray go’aankiisa mudaharaadyada dhaliyay, balse uu ku adkaystay qabashada aftida Distoorka, loona dareeri doono bishan December 15-keeda sida la qorsheeyay.
Labada arrimood ee go’aanka awood-korodhsiga iyo aftida Distoorku waxay xudun u yihiin dibad-baxyada ka dhanka ah Madaxweyne Mursi, taasoo dalka Masar ruxday labadii todobaad ee u dambeeyay.
Qurbejoog.com, Hargeysa