|

Masar iyo Sucuudiga oo taageeray midnimada Soomaaliya

Qahira October 18, 2024(QJ)-Kulan muhiim ah oo magaalada Qaahira ku dhex maray Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxdu waxay ka wada hadleen taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo qiray in dalka uu marayo marxalad adag oo dib u dhiska ah ka dib sannado badan oo colaado ah.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen labada dal waxay ku sheegeen inay ka go’an tahay fulinta go’aankii ka soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta horaantii sanadkan, kaasi oo lagu xoojinayo taageerada dhinacyada amniga, xasiloonida, midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in lagu dhaqmo mabaadi’da deris-wanaagga, horumarinta nabadda, lagana fogaado colaadaha gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa hadda muhiimad weyn siinaysa ka qayb galka Masar ee howlgalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaalka joogtada ah ee Qaahira ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Comments are closed