|

Masar: Doorashada Baarlamaanka oo qabsoomi doonta waqti ka horeeyay xilligii loo muddeeyay, maxay tahay sababtu?

Qaahira Feb.23. 2013 (SDN)- Doorashooyinka Baarlamaanka ee dalka Masar, ayaa qabsoomi doona shan maalmood ka hor waqtigii hore loogu muddeeyay.

Siday ku warantay wakaalada wararka Reuters, qabsoomida doorashadu waxay ku muddaysnayd 27-ka bisha April ee soo socota, laakiin waxa hore loogu soo dhigay 22-ka April, sida uu Afhayeenka Madaxweynuhu Sabtidii ku faafiyay barta uu ku leeyahay bogga Facebook.

Laakiin, wakaaladu waxay ku warantay in xubno ka tirsan Kiristaanka laga tirada badan yahay ee Masar ay hore u naqdiyeen qorshaynta xilliga doorashooyinka, maadaama ay xilliyo codayntu dhacaysaa ku beegmayso ama qabsoomayso inta lagu gudo jiro fasaxooda ama maalin-fasaxooda loo yaqaan Easter holiday.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed