Masaarida oo qarka u saaran Dagaal ahli ah & dadka Qaarkiis oo Hub iyo Rasaas lagu qabtay
Qaahira 15.Aug 2013 (SDN)- Qalalaasaha ka jira dalka Masar ayaa cirka isku shareeray waxeeyna dhimashada gaadhay ku dhawaad 300 oo qof halka Dhaawaca uu sii caga cageenayo in ka badan 2.000 oo qofood. Rabshadaha ayaa sii xoogeeystay ka dib markii Hub iyo Rasaas aad u fara badan lagu qabtay Taageerayaasha Madaxweeynihii la riday ee dalka Masar Mr. Mohammed Mursi.
Ciidamada Booliiska Masaarida iyo kuwa Milatariga dalkaas oo is garabsanaya ayaa isku dayay inay ka kaxeeyaan 2 goobood oo muhiim ah waliba ay maalmahaan Rabshado iyo Banaanbayxo waa weyn ay ka dhigayeen taageerayaasha Ikhwaanul-Muslimiinka.
Rabshadaha iyo dhibaatada ugu daran ayaa waxeey ka taagan tahay xaafada ama barxada lagu magacaabo Rabia-al-Cadawiya waxaana goobtaan si xoog ah looga kaxeen la´yahay taageerayaasha Madaxweeynihii la riday ee dalka Masar Mr. Mohammed Mursi.
Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar iyo gobolo badan oo ku yaala dalkaan waxaa isku dilaya Shacab taageersan xoogaga Milatariga dalka Masar ee riday Ex-Madaxweeyne Mr.Mohammed Mursi iyo taageerayaasha ururka Ikhwaanul-Muslimiinka .
Dalka Masar hadii uu dagaal Sokeeye ka qarxo sida xaaladu iminka ku socoto waxaa uu dabadeed dagaalkaas ku faafi doonaa dalal badan oo Carab iyo Afrikaan ah kuwaas oo hada nabad heesta, waxaana fikradaas qaba aqoonyahano badan oo saadaaliya siyaasada bariga dhexe gaar ahaan tan wadamada Carabta.
Wasiirka Arimaha Dibada dalka Mareeykanka Mr.John Kerry, Raisul wasaaraha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan, Haweenayda hogaamisa Midowga Yurub ee Catherine Ashton iyo Madaxa Qaramada Midoobay Mr.Ban Ki Moon ayaa dhamaantood waxaa ka soo yeertay qeeylo dhaan culus kuwaas oo doonaya in si deg deg ah loo joojiyo Rabshadaha ka curtay dalka Masar inta aysan xaalada faraha ka bixin weliba dagaal Sokeeye uusan dalkaas u galin .
Qaahira SDN.
contact@somalidiasporanews.com