|

Maryam Qaasim Wasiirada Hormarinta Adeega Bulshada Somaliya oo oo la kulantay mas’uuliyiin Turki ah

Istanbul Jan 04 2013 (SDN)— Wasiirka Wasaarada Hormarinta Adeega Bulshada dowladda Somaaliya Maryam Qaasim ayaa waxa ay Magaalada Istanbul kula kulantay Ra’iisul wasaara Kuxigeenka dalka Turkiga Bakir Bozdag iyo waliba Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Recep Adkag.

Maryam Qaasim oo labadan mas’uul si gooni gooni ah ula kulantay ayaa waxa ay ugu horeyn is arkeyn Ra’iisul wasaara kuxigeenka Turkiga Bakir Bozdag waxan ay ka wada hadleen sidii dowladda Turkigu ay u sii dar dargalin la heyd howlaha ay hada kawado dalka Soomaaliya oo u badan adeegyada bulshada.

Waxaana Wasiiradu ay ka codsatay Bakir Bozdag in dowladda Turkigu aya sii hormariso holaha dib u dhiska ah ay ka wado dalka Soomaaliya waxana Maryam Qaasim ay ku amaantay Turkiga howsha ay ka hayaan hada Magaalada Muqdisho.

Kaddib kulanka ay la qaatatay Bakir Bozdag, waxa ay Wasiiradu isla Magaalada Istanbul kula kulantay Wasirka Caafimaadka dalka Turkiga Recep Adkag, kaasi oo ay kawada hadleen arrimo u badan hormarinta Caafimaadka dalka.

Sidoo kale Mayan iyo Recep ayaa kawada hadlay sid ay suurta gal ku tahay in dib loo soo nooleeyo Adeegyada caafimaad ee dalka Soomaaliya oo muddo kabadan 20-sano dowlad dhexe oo shaqeysa aan laheyn.

Maryam Qaasim Wasiirada Wasaarada Hormarinta Adeega Bulshada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii danbe waxa ay ku sugneyd dalka Turkiga, waxana ay mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadleysay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen wasaaradeeda oo ka kooban dhawr wasaaradood oo la isku geeyay.

SDN-Istanbul

Comments are closed