Marxuumkii Jeelka weyn lagu dilay oo Maalintii 4-aad Yaala Cisbitaalka Hargaysa
23,Apr.2014(SDN/QJ)- Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay,ayaa shabakkadda Caalamiga ahee Qurbejoog.com u xaqiijiyay in aan wali la aasin Askarigii ka tirsanaa Ciidamadda Asluubta ee lagu dilay isku daygii ay qaar ka tirsan Maxaabiista Jeelku ku doonyeen inay jeelka uga baxsadaan.
Dad odayaal ah oo ay Marxuumka dhintay qaraabo dhaw ahaayeen,ayaa noo sheegay inay Wasiirka Cadaaladda ay siku afgaran waayeen Magtii Marxuumka,maadama uu ku dhintay Hawlgal Ciidan.
Maydkii Marxuumka,ayaa maalintii Afraad ku jira Cisbitaalka Hargaysa.Eheladda Marxuumka ayaa ku hanjbay in haatan waxay xaq u leeyihiin aan la siin ay Talaabadda ku haboon ay qaadi doonaan.
Mid ka mid ah Eheladda Marxuumka oo ay ii suuragashay in aan la hadlo,ayaa wax uu si kooban ii yidhi mar aan weydiiyay Talaabadda ay qaadayaan “ ama Sed ama Samir,ayaanu qaadan doonaa”.
Si kasta ha ahaatee arintan ayaa la saadaalin Karin halka ay biyo-dhigan doonto,iyada oo aan Xukuumadda laga hayn waxa uga soo naaso cadaaday Baadhitaankoodii.
SDN/QJ-Hargaysa,Somaliland