|

Marwo Faadumo Siciid oo Iska Casishay Xilkii ay Xisbiga Ucid u Haysay,Sababaha ku Kalifay iyo Dhanka Siyaasadeeda loo saadaalinayo

Hargaysa 21.Nov 2014 (SDN/QJ0- Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Fadumo Sicid Ibraahin, ayaa xalay iska casishay Xilkaas ay Xisbiga ka haysay, sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay xalay soo saartay oo soo gaadhay Qurbejoog.com

Faadumo SiciidFaadumo Siciid, waxay War-Saxaafadeedkeeda ku sheegtay in sababo laa xidhidha caqaabado ka jira gudaha Xisbiga UCID oo aan suuragal ka dhigaynin gudashada xilka saaran awgood ay isu casishay. Waxaanay Warkan Qoraalka ah ka soo saartay Faadumo Siciid magaladda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay hadda ku sugan tahay, oo ay maalmahan Safar isugu jira mid shaqo iyo mid shaqsi ah ku joogtay.

Waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkan kooban ee ay soo saartay Faadumo Siciid oo ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan halkan idiinku lifaaqaya anigu ah Faadumo Sicid Ibraahim inaan xilkii aan ka hayey Xisbiga UCID oo laga bilaabo 20/11/2014 iska casilay, sababo la xidhidha durufo ka dhex jira Xisbiga oo aan shaqaadi aanan awgood u sii wadi karin.Wa Billaahi Tawfiiq.”

Dhanka kale Waxaa Maalmihii u danbeeyay la hadal hayay in Marwo Faadumo Siciid oo Khilaaf soo kala dhax galay Madaxda Xisbiga Ucid ay wada hadal la lahayd Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed