|

Marwo Amina Hersi Oo Ka Mid Ah Maalqabeenadda Ugu Caansan Afrika Oo Hambalyaysay Xilka Loo Magacaabay Marwo Foosiya Xaaji Adan Una Fidisay Mariqaad Rasmi Ah

KampalaNov 05/12 (SDN)- Marwo Amina Hersi Moghe, oo ah haweenay Soomaaliyeed oo ganacsade ah oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Marwo Amina Hersi Moghe, oo ah maalqabeen caan ah oo ay qadariyaan Madaxda iyo shacabka Qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika oo xalay la soo xidhiidhay xafiiska wararka ee Shabakaddaha  Caalamiga ah ee ku sugan Kampala, ayaa sidoo kale  martiqaad rasmi ah u fidisay oo hab maamuuskiisu aad u sareeyo u fidisay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya Marwo Foosiya Xaaji Aadan in ay ku timaado dalalka Kenya Iyo Uganda, waxaanay sheegtay in ay aad u soo dhawaynayso xilkan culus ee loo magacaabay Marwo Foosiya, waxaanay xustay in ay tahay Haweenay karti iyo waayo aragnimo dheeraad ah iyo aqoonba u leh gudashada xilkan ballaadhan ee loo igmaday, waxaanay sheegtay in ay Marwo Foosiya waxa badan ka qaban doonto dardar gelinta hawlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanay Ilaahay uga bariday in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka xilkan loo magacaabay.

Dhinaca kale. Marwo Aamina Hersi Moggeh, waxa ay ugu baaqday Ummadda Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan dhismaha iyo horumarka dadka iyo dalka iyada oo Ilaahay (SW), uga bariday in uu dhibka ka dul qaado.

Sidoo kale Marwo Aamina, waxay hambalyo diiran u dirtay madaxdda iyo shacabka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku amaantay horumarka iyo Dimoqraadiyadda ay ku talaabsadeen, waxaanay ku dhiirigelisay in ay sii libin laabaan dhismaha horumarka dadka iyo dalka Somaliland.
Marwo Amina Hersi Moghe, oo ku guulaysatay sanadihii u danbeeyay abaal marinta la siiyo maalqabeenada ugu maalgashiga badan dalka Uganda, ayaa noqotay haweenay magac iyo qadarin weyn u soo jiiday dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyada oo mashaariic aad u tiro badan oo kala duwan ka fulisay dalalka Uganda iyo Kenya kuwaas oo ay ku jiraan dhismayaal casri ah oo ay ka shaqeeyaan kumanaan qof oo ay ku baxday Malaayiin Dollarka Maraykanka ahi ka fulisay badhtamaha suuqyadda ganacsiga ee caasimada dalka Uganda ee Kampala.
Mashaariicda ugu caansan ee Marwo Amina ka dhistay caasimada dalka Uganda ee Kampala waxa ka mid ah The Oasis Mall along,Nakumatt supermarket;, Laburnam Courts on Nakasero road is a high-end luxury and fully servicedaccommodation facility consisting of over 120 three, two and one bedroom apartments iyo .Kingstone Enterprises Limited, one of the largest distributors of cement iyo waliba mashaariic kale oo aad u badan oo ay hada gacanta ku hayso fulintooda.

Khubaradda caalamka ee ku talax tagay qiimaynta ganacsiga ayaa Marwo Aamina Hersi Moggeh, ku sifeeyay shakhsiyad aad u karti iyo dadaal badan oo tusaale cad u noqon karta in ay dadka Afrikaanka ahi wax qabsan karaan oo ay horumar keeda la mid ah ka gaadhi karaan ganacsiga.

Marwo Amina Hersi, ayaa ah haweenay aad u jecel horumarka iyo dadaalka iyada oo had iyo jeer kaalin libaax ka qaadata horumarka iyo gacan qabashada dadka Soomaalida ah dhinac walba kuna dhiirigelisa kobcinta dhinacyada horumarka iyo wax wada qabsiga.

 

Xigasho Wakaladaha Wararka

qubojoog.com

Comments are closed