|

Marwadii Muj. Ibraahim Koodbuur oo ka ilmaysay xaqiraadda Xukuumaddu kula kacday xuska Mujaahidiinta

HargeysaOct 18,2012 (SDN/Hubaal)- Xuska sanad guurada 28aad ee ka soo wareegtay Maalintii Shuhadada SNM ee 17-kii Oktoober, 1984-kii ayaa  shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Maalintan oo ku suntan dharaartii ay mujaahidiintii ugu badnayd ee halganka SNM ku shahiideen dagaalkii ay iskaga horyimaadeen tuullada Burco Duurey oo illaa 30Km xadka Somaliland ee Itoobiya kaga quman Hawdka. Xuskan oo ay shalay soo qaban qaabiyeen Jamciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal, waxa ka sokow dadka ka qayb galay oo ay ka mid ahayd xaaskii uu ka geeriyooday alla ha u naxariistee Mujaahid Ibraahim Maxamed Ismaaciil (Koodbuur) iyo wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxa dhinacaooda ka muquurtay Xubnaha Xukuumadda Somaliland oo aan ka muuqan qabanqaabadeeda iyo qabsoomideedaba, marka laga reebo Madaxa Hay’adda Samafalka Aamina Maxamuud Diiriye, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, Dhinaca Xisbiga KULMIYEna waxa uga qayb galay guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed, Marwadii uu ka geeriyooday Mujaahid Ibraahim Koodbuur, Hooyooyin iyo Agoomo tiro badan oo ay ka tageen mujaahidiintii SNM.

Xuska 26-guuradii ka soo wareegtay dagaalkii Burco-duurray ee ay ku shahiideen mujaahidiintii u hormoodka u ahaa Alla ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), ayaa waxa ugu horrayn hadallo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL Xasan Cabdi Maxamed, waxana uu sheegay inay jiraan dayac farabadan oo ay qabaan Mujaahidiintii dalka u soo halgamay, waxase uu ku wargeliyey Mujaahidiinta inaanay cidna wax ka sugin ee ay waxay qabsan karayaan qabsadaan.

“Maanta waa maalin qaali ah oo innagu wada weyn, qof kasta oo reer Somaliland ahina waa garanayaa qiimaha maalintani leedahay, haddii ay jiraan mujaahidiin badan oo maanta dayacani, waxan leeyahay waar cidna waxba haka sugina ee idinku waxad qabsan kartaa qabsada oo ilaahay ku kalsoonaada,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM oo halkaa ka hadlay, ayaa xukuumadda ku dhaliilay sida qiima-darrada ah ee xukuumadda Somaliland ay u yastay maalintan qadarinta leh, isagoo sidoo kalena sababta ay waajinka u noqotay in SNM maanta la xuso, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxan aad uga xumahay inaanay maanta halkan joogin Wasiirraddii xukuumaddu, Madaxweynahana waxana leeyahay waa inaad xuska shuhadada SNM ka qeybqaadataan oo aad weynaysaan, maanta [shalay] markaynu SNM xusayno sababtaynu u xusaynaa waa kuwii masuulka ka ahaa ee dhalliyey nabaddan aynu maanta ku naalloonayno, waxayna ahaayeen xaq u dirir ka dhiidhiyey caddaalad-darro, haddidaad, kufsi, xasuuqid, garaacid, xorriyad la’aan, karaamo dil iyo duusi lagu hayey dadkooda,”

Waxa kale oo uu Maxamed Kaahin ka hadlay tabashada ay naafadda Mujaahidiinta SNM sheegtaan ee ah inaan loogu hambayn sidii ay ummadda reer Somaliland ugu liseen.

“Quruxda naafadeenu raadinayaan waa hablahaa, innamadaa, Aabbayaashaa, Hooyooyinkaa wada quruxda badan ee dhinac walba dahabka iska sudhay ee hareerihiina wada fadhiya, manay waqtigii aad dagaalka ku jireen, waxad u dagaallanteenna waa inay quruxdaa iyo nabad gelyadaasi muuqato oo lagu indho doogsado,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

 

Xaaskii Mujaahid ibraahim Koodbuur, Marwo Khadra Qayo-weyne oo iyaduna goobtaa hadal ka jeedisay, ayaa iyada oo ilmada hibitiqinaysa sheegtay sida ay uga murugaysan tahay dayacaadda iyo yasidda ay xukuumaddu kula kacday xusaska mujaahidiinta taariikhda ka mudan dalka, waxana ay xustay inay isu raaceen laba arrimood oo yaab leh oo kala ah xuskii ay dhawaan usamaysay mujaahid Ibraahim Koodbuur iyo kan maanta [shalay] ee maalinta shuhadada SNM oo aanay midkoodna xukuumaddu kasoo qayb gelin.

Agaasimaha Samofalka Wasaaradda Dib-u-dejinta Marwo Aamina Maxamud Diiriye oo madasha ka hadashay, ayaa iyaduna xukuumadda ku dhaliishay xaqiraadda ay ku hayso maalmaha SNM, iyadoo ku boorrisay xukuumadda soo noolaynta iyo ka qayb qaadashada xusaska noocan oo kale ah, iyadoo sheegtay inay intii karaankeed ah ku dedaali doonto sidii loo noolayn lahaa ayaamaha mujaahidiinta.

Xuskan loo samaynayey shuhadada SNM ayaa sababta ay xukuumaddu uga muquuratay loo nisbaynayaa sidii ay u raalligelin lahayd beelaha darafyada oo iyagu aan had iyo jeer ka raalli ahayn ama ka gubta soo hadal qaadka taariikhda mujaahidiinta SNM, waxana dhegaha dadka reer Somaliland wali ka sii qaylinaya hadalladii dhiifaysnaa ee dhawaan Waddaadka reer Boorama ku macneeyey dhacdadii lagu baadhayey lafihii xasuuqa ee laga qodayey meelo ka mid ah Somaliland, waayo xukuumaddan waxa hoggaamiya nin taariikh ku leh halgankii ay soo galeen mujaahidiinta xuskooda ay xaqirtay, mana jirto sabab aan taa ahayn oo loo tirin karo yassidda ay kula kacday maalmaha taariikhda ku leh halganka SNM.

Marka laga reebo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyadu ku ammaanan xuska maalintan, waxayna uga qaybqaadatay si weyn oo taariikh leh maalintan, iyadoo si dareen leh u howlgelisay ciidammada Baamboyda oo socod iyo heesta qiirada leh calanka Somaliland ka soo bilaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ilaa guriga Hay’adda Shaqaalaha oo ahayd goobta xusku ka dhacayey iyo Agaasimaha Samofalka Wasaaradda Dib-u-dejinta oo si qiiro leh uga qaybqaadatay xuskan mooyaane, waxa la waayey dhammaanba xukuumaddii uu Mujaahidku gadh-wadeenka ka ahaa ee halganka ku abtirsanaysay.

 

7

“Aniguba Waxan ahaa Mujaahid Khaliiji ah Inta Faranta Joogtay  & Maxamed Kaahin  Mujaahidiin Maaha”

Xildhibaan Nac-Nac.

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland , ayaa sheegay in ay xaalad qalafsan ku sugan yihiin dagaaliyahandii iyo agaamihii jabhadii SNM, kuwaasoo aan helin kaalmo laga daryeelayo noloshooda.

Xildhibaanka oo shalay ka hadlayay munaasibad lagu xusay maalinta Shuhaadada SNM oo ku beegan 17-ka bisha October, ayaa sheegay in xaaladda ay dadkani ku sugan yihiin tahay wax-ka-qabashu u baahan, inkastoo xukuumadda talada haysaa ay waqtiyada qaar taageerto qoys badan oo ah agoontii Jabhada.

“Horta Aniguba waxan ahaa Mujaahid Khaliiji ah oo halganka dibadda kaga jiray ee inta faranta joogtay  oo kali ah iyo Maxamed Kaahin  Mujaahidiin Maaha” sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku, waxanu intaa ku daray, “Waxa aan leeyahay nimankii Mujaahidiinta ahaa, waa la dhayalsaday cidlaa lagaga tagay, Hooyooyinkii masaakiinta ahaa waa laga tagay, xataa Islaamo ayaa noogu yimaaddo Baarlamaanka hortiisa, afar bay dhashoo saddex baa dhintay ka kalena wuu waalan yahay, yay ku

odhanaysaa maalintaa qadaynmaysid, waa la dhayalsaday dadka wax la loo qabto oo wax ha la taro, inta iftiinka la joogo ayaa wax la istaraa,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Nac-Nac.

Waxa kale oo uu ugu baaqay dawladda Somaliland in ay ixtiraamto madaxbanaanida Somaliland, maadaama oo ay sannadkii 1960-kii magaca Soomaaliya ku midoobeen labada gobol Iyo Waqooyiga iyo Koonfurta oo kala noqday 21 sanno ka hor.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed