|

Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Kasoo Horjeedsatay Wada-hadalka Xukuumaddu La Bilowday Mucaaridka

Hargeysa:Sep,16,2014(SDN/QJ)-Marwada Koowaad ee somaliland, ayaa la sheegayaa inay si weyn uga cadhootay Tallaabooyin ay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye Si wada Jir ah ku doonayaan inay wada Hadal  lagaga doodayo muranka Diiwaangelinta la furtaan Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

aaamina warisSida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya Aqalka Madaxtooyadu, waxa ay Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Habeenkii xalay kulan kula yeelatay Aqalka Madaxtooyada Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo Waliba Xubno kamid ah Kuwa ugu dhegaha nugul Golaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay ku canaanatay inay ogolaadeen Wada-hadal aan la garanayn waxa kasoo bixi doona, maadaama xukuumaddu haatan Nidaamka Diiwaangelinta u waddo sidii loogu talo galay.

Marwada ayaa  la sheegayaa inay labadan wasiir u sheegtay inaan xukuumadda xaq loogu  lahayn in Shuruucda Diiwaangelinta loogu talo galay ee Golaha wakiillada loo gudbiyey ay wax tanaasul ah ka samayso, waxana ay ku adkaysatay inay ku dedaalaan sidii Golaha Wakiillada looga ansixin lahaa Xeerka Diiwaangelinta oo Mucaaridku sas badan ka muujiyeen.

Wararka soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa intaas ku daraya in wasiir xirsi isku dayey inuu marwada ku qanciyo in loo baahan yahay  sidii loo axadhi lahaa tabashada mucaaridka, maadaama iyaga la’aantood ay kala dhantaalmi karaan Hawlaha Diiwaangelintu, balse marwada ayaa taas kasoo horjeedsatay, waxana ay Beddelkeeda go’aan ku gaadhay in si degdeg ah Sharciga diiwaangelinta looga ansixxiyo Golaha Dhexdiisa, haddii taasi dhacdana laga maarmi doono Wada-hadalka Mucaaridku doonayaan.

Wasiir warancaddde, ayaa la sheegay inuu isagu madaxa u lulay soo jeedintii marwada, waxana uu u sheegay inay iyadu sax ku tahay ra’yigiida, balse loo baahan yahay sidii xukuumaddu culays u saari lahayd ansixinta Sharciga Diiwaangelinta Muwaadintiinta ee Golaha Wakiillada Horyaalla.

Sida ay wararku sheegayaan, wasiir Xirsi ayaa isagu marwada usoo jeediyey inaan xilliggan loo baahnayn in dalka Muran iyo yooyootan laga abuuro, maadaama waxa Hadhsani ay tahay sidii mucaaridka loo qancin lahaa, isla-markana loo gudo geli lahaa Ansixinta Xeerka Diiwaangelinta.

Marwada ayaa iyagu ka Gows adaygtay soo jeedimaha Wasiir Xirsi, waxana ay ku adkaysatay inay aaminsan tahay in Golaha Wakiillada lagu cadaadiyo  xeerkaas ansixintiisa, taasina meesha ka saari doonto sheegashada mucaaridka ee xilligan.

Kulankaas ayaa ku dhamaaday Is af garan waa dhex maray marwada iyo Wasiir Xirsi, waxana aakhirkii ay marwadu kooxaha dhegaha nugul ee Madaxtooyada amartay in lagu dedaaalo ansixint Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah ee Golaha horyaalla, iyadoo aan la isla garan in la joojiyo wada Hadalladii lala furay Mucaaridka.

Waxa kulankaas la iskula gartay in lasoo celiyo Buuqii iyo qayladii Golaha Wakiillada dhexdooda ay xukuumaddu ka Bilaabi jirtey, si loo qariyo Sheegashada Mucaaridka, waxana si wada jir ah la iskula qaatay in la abaabulo mooshinno ka dhan ah Guddoomiye Cirro, maadaama  ay muuqato inay sii lumayso Taageeradii Kulmiye ku dhex lahaa Golaha Dhexdooda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed