Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb gashay Xuska Maalinta Caruurta Afrika
Hargaysa 16.June (SDN) Xaflad Lagu xusayey maalinta Caruurta afrika ,kana soo qayb galeen Marwada Madaxweynaha JSLand Marwo Aamina-Weris sh.Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshadav Mud,Maxamud Bare Garaad,iyo masuuliyiin ka kala socday Hay’ada Wadaniga ah iyo Kuwa caalamiga ah ayaa maanta Lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-weris sh.maxamed Jirde oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay ugu horayn halkaasi mahad celin uga soo jeedisay wasiirka wasaarada shaqada iyo aruimaha Bulshada iyo wasaarada wax-barashad iyo hay’adaha kale ee wadinaga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka qayb qaatay howshan. Waxaanay Marwo Aamina si weyn uga hadashay xuquuqda dhalinyarada iyo doorka ay dalkan kaga jiraan, waxaanay til-maamtay in dhalin yaradu ay tahay xoogii iyo tiir dhexaadkii dalkan ee jiritaankiisu ku tiirsan yahay.
Marwo Aamina waxa ay sheegtay in ay waajib tahay in dawlad iyo shacabba inaynu inaga oo isku duuban aynu ka shaqaynu sidii aynu dhalinteena mustaqbal ugu samayn lahayn. Waxaanay intaa raacisay in dhalin yarada iyo caruurta yar-yari ay yihiin mustaqbalkii dalkeena waajibna ay tahay inaynu mustaqbalkooda ka shaqayno.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamud Barre Garaad,Waxaanuu ka waramay sababta ay ku timid in maalinta 16 June loo asteeyo inay noqoto maalinta caruurta afruika, waxaanuu sheegay in ay ku timid caruur xuquuqdooda u mudaharaaday 1967-kii dalkaasi Konfur afrika oo dabadeed la xasuuqay.
Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga hadlay xuquuqda iyo xaqa ay Ummad waliba u leedahay inay aayaheeda ka tashato, la soo noqoshada Xoriyadeeda Somaliland la soo noqotay 1991-kii Waxa ay tahay mid ku aroorta xuquuqda ay shucuubta aduunku u leeyihiin aaya ka tashigooda.taasi oo uu ina siiyey Inaynu Aayaheena ka tashano Ax-diga Qaramada midoobay ee xuquuqda aaya ka tashiga.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com