Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Hadal ka Jeedisay Kulan hawleed ku Saabsan Wax ka qabashada Tacadiyada Haweenka iyo Caruurta
Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Ismaaciil Cali, ayaa Magaalada Xubno ka kala Socda, Xeer ilaalinta, Dembi baadhista, Bilayska iyo Gudoomiyayaasha Maxkamadaha uga furay Magaalada Hargaysa kulan howleed Ku saabsan waxka qabashada tacadiyada Haweenka iyo caruurta lagula kaco iyada oo loo marayo sharciga.
Kulan howleed-kan oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Baahi-koob kana soo Qayb-galeen Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina sh.Maxamed Jirde, Wasiir ku-xigeenada wasaaradaha Caafimaadka iyo Shaqada iyo arimaha Bulshada, Marwo Nimco xuseen Qawdhan iyo marwo Shukri Xariir ismaaciil, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranak md. Xasan Maxamed Aadan iyo Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Hargaysa Dr,Axmed X.Cumar Askar, hadal uu halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr.Yusuf Ismaaciil cali ayaa uu ku sheegay, in Wax ka qabashada kiisaska Tacadiyada haweenka ka dhanka ah ee mudooyinkan danbe dalka Ku soo kordhaya ay tahay mid mudnaan uleh bulshada.
Waxa Gudoomiyuha Maxkamada sare uu soo jeediyey inay lagama maar-maan tahay in ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo cidii Lagu soo eedeeyo dembiyada fara xumaynta Haweenka. Isaga oo intaa raaciyey in qof-ka xumaanta sameeyaa uu mudan yahay in ciqaabtiisa la mariyo.
Marwada madaxweynaha Marwo Aamina-weris sh.maxamed Jirde oo iyana halkaa ka hadashay ayaawaxa ay tilmaamtay ,in dembiyada tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ay marka hore waajib tahay in baadhis dhab ah oo sugan ay ka sameeyaan bahda garsoorku, waxaana Marwadu xustay In haddii ay baasdhista dambiyadaasi xumaato , ay taasi keenayso In Garsoorihii kiiska la hor geeyey xukunkii uu qaadi lahaa ka xumaanayo, oo xaakinku waayayo ayay tidhi cadayn buuxda oo uu u cuskado xukunkii dembiilaha.
Xeer ilaaliyaha Guud Mud,xasan Maxamed Aadan, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ayaa sheegay in dhamaan Gobolada ay ka sameeyeen Xafiisyo qaabilsan Dembiyada fara xumaynta iyo Tacadiyada haweenka laga galo . Waxaanuu xeer ilaaliyuhu sheegay in sanadkan sii dhamaanaya ee 2013 ka Kiisaska fara xumaynta Haweenka ee dalka ka dhacay ay dhan yihiin Boqol iyo afar Kiis, kiisaskaas oo ah kuwa soo galay xafiiska xeer ilaalinta.Waxaanuu sheegay in tiradaasi muujinayso sida uu kor ugu kacay fal denbiyeedkaasi Haweenka ka dhanka ahi.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenada wasaaradaha Caafimaadka iyo shaqada iyo arimaha Bulshada marwo Nimco xuseen qawdhan iyo marwo Shugri Xariir ismaaciil iyo Agaasimaha Isbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa oo ka waramay fal-denbiyeed-yada Tacadiga Haweenka ka dhanka ah iyo sida ay waajib y tahay in loo wada Guntado sidii wax looga qaban lahaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com