|

Marwada Kowaad Ee Qaranka Iyo Raxan Wasiiro Ah Oo Maanta Ka Qeyb Galay Maalinta Caruurta Africa Oo Maanta Laga Xusay Somaliland

marwoHargaysa:16,June,2014(SDN/QJ)-  Marwada Kowaad ee Qaranka Marwo: Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde,oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa waxay Maanta ka Qeyb galeen Maalinta Caruurta Aduunka Oo Maanta laga Xusay Somaliland.

Xafladan ayaa waxa kazoo qayb galay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirka Waxbarshadda iyo Tacliibnta Sare ee Somaliland Marwo: Samsam Cabdi Aadan,Wasiir-ku Xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Marti s sharaf kale.

Munaasiban oo Maanta ka dhacday Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargaysa,ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadashay  Agaasimaha Xarunta Agoomaha Magaaladda Hargaysa Marwo:Caasha Maxmuud Qaalib oo si qoto dheer uga warantahay Muhiimada Maalintan iyo waxay uga dhigan tahay Dhlianyarada Caalamka Guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Somaliland.

Waxaana ay ka sheegaysay taariikhda Maalinta iyo waxa laga Faa’iidansan karo. “Waxay ognahay In Sanadkii 1976,bishii June, ay ka dhacday Dalka Koonfur Afrika Mudaharaad aaad iyo aad u weyn oo ay Abaabuleen Dhalinyaru,iyaga oo doonayay inay Helaan Baahiyahooda Aas-aasiga ah eek aw ka tahay Waxabrashada iyo Caafimaadku” ayay tidhi Marwo: Caasho Qaalib oo hadal qiimo leh madashayaasi ka jeedisay.

Waxa iyana gabagabii halkaasi ka hadashay Marwada Kowaad ee Somaliland oo Dhanbaal Hanbayo ah u dirtay Guud ahaanba Dhalaanka reer Somlailand gudo iyo Dibadba.waxaana ay sheegtay Marwadu in cid kasta uu Waajib ka saran yahay Xanaanaynta dhalaanka Reer Somaliland,haday tahay Dawladda iyo cid kasta oo Masuul ahba.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed