“Markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo….” Gudd. Faysal Cali Waraabe.
London:March,02,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu ka dayriyey sida xaalku haatan yahay.
Guddoomiye Faysal oo haatan socdaal ku maraya Dalal Yurub ah, ayaa sheegay in isku-duubnidii iyo wada jirkii shacabka Reer Somaliland ka Baxday, isla-markaana ay qiimo dhacday qaddiyadii Somaliland ee markii hore loo hanweynaa,
“waxaynu u kala baxnay Mucaarid iyo Muxaafid sidii baana aynu isku eryenaynaa, marna ismaan lahayn ictiraafka Somaliland intaas buu qaadanayaa, waxana aynu noqonay Super Market waxba iibgeyn garan weynay wax kastaana yaalaan, Garowe oo Macdaar yar le’eg ayaa inaga xariifsan, Dadkana waxa aynu moodaynaa inaynu ka Ilbaxsanahaye inagaa dadka ugu badowsan.”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe uu hoosta ka xarriiqay in Dawladnimada ay Somaliland uga Martida tahay aan lagu helaynin si fudud, loona Baahan yahay in si adag loo shaqeeyo, waxana uu yidhi,“Inagu reer Reer Baynu u kala fadhinaa Qaranna waa samaynaynaa Ictiraafkana laguma helo hees ee Tacab baa lagu helaa,”
Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Golayaashii Xukuumadda iyo Wakiilladu ka leexdeen shaqadii loo igmaday, iyagoo isku raacay sidii ay sharciyadda dalka u burburin lahaayeen, waxana uu yidhi,
“Markaad umad dhan oo wada mikrofon sidata oo iscaayeysa aragto, markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo, markaa iyaguu ka wakiil yahay.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey Hoos u dhigay Mucaaraddadiisii ka dhanka ahayd Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu haatan diiradda saaraa Dhanka Golaha Wakiillada oo uu si adag uga soo horjeedo in Muddo-kordhin loo sameeyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com