Markab Xambaarsan Gantaalaha Riddada Dheer oo Ruushku u diray Xeebaha Suuriya
Moscow 10. July 2017 (SDN/QJ):- Mas’uul sare oo u hadlay Dawlada Ruushka ayaa waxa uu sheegay in Dalkiisu xeebaha Suuriya u diray Markab dagaaal oo ah nooca xambaarsan gantaalaha ridada dheer.
Telefishinka Russia-Today ayaa baahiyey hadalka mas’uulkaasi oo sheegaya in Raashiya ay xeebaha Suuriya u dirtay Markabka lagu magacaabo Admiral Essen, kaasoo ay suurogal u tahay in uu si degdeg ah ugu biiro raxanta gaadiidka ciidamada bada ee Ruushka ee ku sugan xeebaha Dalka Suuriya.
Markabkan dagaal ee Admiral Essen ayaa ah markab dhowaan galay adeega ciidamada waxana uu bilowgii sanadkan duqayn masaafada fog ah ku sameeyey ciidamada daacish ee ka dagaalamaya gudaha Suuriya.