|

Markab Sida Qaxooti Horleh Oo Ka Yimi Dalka Yemen Ku Soo Xidhay Dekedda Berbera Iyo Tirada Dadka Saaran

Hargeysa:April,22,2015(SDN/QJ)-Dekedda Magaalada Berbera, waxa goor dhaweyd kusoo xidhay Markab ka yimi dalka yemen, kaas oo sida qaxooti soomaali u badan oo kasoo cararay dagaalada      Halkaas ka aloosan.

alocSida ay Madaxda Dekeddu u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta, waxa markabkaasi  oo lagu magacaabo Noble One uu sidaa ugu yaraan  420-qaxooti oo soomaali u badan oo markii hore  yemen u qaxay, kaas oo Haatan kasoo amba baxay Magaalada Mukha ee Waddanka Yemen.

Madaxda dekedda Berbera, ayaa Dadkaas qaabilay waxana lagu mashquulsa yahay dejintooda, iyadoo la geyn doono Goobo Magaalada ku yaalla oo Cunto iyo Gabood ay galaan loogu sii diyaariyey.

Dadkan oo kasoo jeeda meelo kala duwan oo dhulka soomaalida ah, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda Goobahooda u kala amba baxaan si ay u gaadhaan ehelladooda.

Hore ayey doonyo kale ugu soo xidheen Dekedda Berbera, kuwaas oo siday Dad Soomaali iyo ajaanib iskugu jira, waxana Badiba somaalidu aadaan Goobaha ay  kasoo jeedaan, halka Dadka reer Yemeni ay wali Goobihii la dejiyey ku sugan yihiin., ayaa la filaya

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed