|

Mareykanka:dalalka caalamka waxa ugu badan een kala hadalo waa Burcada badeeda Soomaalida

Washington Nov 03,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in macaamilka u badan ee safaaradeheedu haatan dunida la leeyahay ay tahay ka hadalka dhibaatada Burcad badeedu ku heyso maraakiibta Ganacsi ee isaga goosheysa badaha ku teedsan Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee xafiiska siyaasada iyo militeriga ee dalka Mareykanka Andrew Shapiro ayaa sidaa ka sheegay shir ay dhawaan qabteen machadka Atlantic Council of the United States.

Shapiro waxa uu ka warama sida dalkiisu dalalka caalamka uu uga siiyo taakulooyinka iyo fikradaha sida loola dagaalami karo burcada Soomaalida.

“Mareykanku waxa uu maalin walba kala hadlaa ilaa labaataneeyo dal arrimaha burcad badeeda Soomaalida,

Comments are closed