|

Mareykanka oo xog la yaab leh ka bixiyay Nin Dhawaan Qarax la Damacsanaa Duyuurad

Washington May 10,2012(SDN)-Saraakiisha Wadanka Maraykanka ayaa sheegay ninkii ku kacay shirqoolkii lagu doonayay in lagu qarxiyo dayuurad uu Maraykanku leeyahay oo la fashiliyay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa basaas laba dhinac ah.

Mas’uuliyiinta Maraykankan ah ayaa sheegay ninka doonayay inuu fuliyo weerarkaasi,oo ujeedadiisu ahayd in lagu bartilmaansado dayuurad nooca rakaabka qaada oo dhinaca maraykanka u duuli lahayd ,nink u shaqaynayay mukhaabaraadka Maraykanka ee C.I.A-da iyo kuwa Sucuudiga .

Nin hore uga tirsanaa madaxda dhinaca gaadiidka ee wadanka Maraykanka ayaa farta ku fiiqay hanaanka dhinaca amaanka gaadiidka ee la hagaajiyay inay culays weyn ku saartay dadka isku daya inay fuliyaan weeraro miidaamo ah oo is qarxin ah ,kuwaas oo adeegsada aalado ka khatar yar qaabkii hore ee ay adeegsan falalkaasi.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed