|

Mareykanka oo Xaqiijiyay in Duyuuradaha aaney cidi Duulin in ay dileen Muwaadiniin dalkaa u dhashay

Washington May 23,2013(SDN)Dawlada dalka Mareykanka ayaa qiratay in duyuuradaha dhulka laga hago weerarada ay qaadaan ay ku dhinteen afar ruux oodalkaa u dhashay ilaa iyo haatan.

Muwaadiniinta dalka Mareykanka ee lagu khaarijiyay weerarada duyuuradaha Droneka loo yaqaano ayaa ku hawlanaa qorsheynta falal ka dhan ah Mareykanka.

Weerar sanadkii 2011kii lagu dilay Anwar al-Awlaki ayaa waxa ku geeriyooday inan uu dhalay oo 16 jir ahaa iyo Samir Khan oo gidigood ahaa Mareykan.

Sidoo kale isla sanadkaas weerr ay Duyuuradaha Mareykanka ee aan cidi duulin ay ku qaadeen degaanka Waziristaan ee dalka Bakistaan ayaa waxa ku dhintay Jude Kenan Moxamed.

Magacyada iyo tirada muwaadiniinta ayaa la shaaciyay maalmo ka hor khudbad lagu wado madaxweyne Barack Obama in uu uga hadlo hawlgalada Droneska iyo muwaadiniinta ku dhintay.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed