Mareykanka oo xanibaad dul dhigay saraakiil Eritrea u dhashay iyo dhawr ruux oo kale
Washington July 06,2012(SDN)-Mareykanka ayaa madaxa sirdoonka Eritrea iyo sarkaal kale ku oo dalkaa u dhashay ku eedeeyay in ay gacan siiyaan kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Wasaarada Maaliyada dalka Mareykanka ayaa wareegto ay soo saartay waxa lagu sheegay in xanibaadyo dhanka hantida ah iyo socdaalka lagu soo oogo dhawr ruux oo saraakiisha Eritrea ay ku jiraan.
Labada Sarkaal ee xanibaadyada lagu soo oogay ayaa kala ah madaxa sirdoonka ee Eritrea chief Col. Tewolde Habte Negash iyo sarkaal Mareykanku sheegeen in Eritrea uu u qaabilsan yahay tabarada Shabaabka oo la yidhaa Col. Taeme Abraham Goitom.
Mareykanka ayaa sidoo kale xanibay lix ruux oo midi Suudaani lagu eedeeyay in uu shabaabka u qoro dagaal yahano.
Sadex kale oo la xanibay ayaa u dhashay dalka Kiinya,waxaana ku jira nin Sheekha oo lagu eedeeyay in uu dagaal yahanda Shabaabka geyn jiray Soomaaliya.
Si Kastaba ha ahaatee ma cada waxa xanibaadani ay ku soo kordhin kareyso la dagaalanka kooxda Al Shabaab.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com