Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 411 million
Washington December 15, 2022 (QJ) – Dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay gaarsiineyso kaalmo maaliyadeed oo dheeri si looga hortago macaluul baahsan,
Hay’ada USAID ayaa $411 million oo dheeri ugu deeqday la tacaalida abaaraha ka jira Soomaaliya sida ay sheegtay madaxa USAID Samantha Power.
Samantha ayaa intaa raacisay in dadaalo badan oo la geystay ay baajiyeen macaluul baahsan oo Soomaaliya ka Dhici laheyd. Mareykanka ayaa hore Soomaaliya ugu deeqay $1.3 billion dollars oo abaaraha lagula tacaalayo.