|

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay $126 Milyan Oo Loogu Talagalay Abaaraha Iyo Bini’aadanimada

Washington 11. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dalal ay ku jirto Somalia loogu deeqo 639 milyan oo dollar, looguna talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha iyo xaaladaha bini’aadanimo haysta.

Dalalka loogu deeqay 639 milyan ee dollar ayaa waxay kala yihiin Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shirk G20 sabtidii ka sheegay in Mareykanka uu afartaasi dal ku taageerayo 630 Milyan dollar, iyadoo loo marsiinayo hay’addaha qaramada midoobay si loo hubiyo in dadkaasi gaareen gargaarka.

 

Somalia ayaa waxaa loo qoondeeyay 126 milyan oo kusoo aaday waxaa lacagtaasi inteeda badan ay ku bixi doontaa gargaarka bini’aadanimada, sida caafimaadka iyo cunto.

Comments are closed