Mareykanka oo Soomaaliya u balan qaaday gacan qabad mudada KMG ah ka dib
Muqdisho June 02,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in ay tageerada ay siiso Somalia ay sii wadi doonto kolka uu dhamaado xiliga kala guurka.
Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka hirgasho dawlada dhexe oo taama inta ka danbeysa bisha August ee inagu soo fool leh,xiligaa oo ku eg mudada dawlada KMG ah.
Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka oo oo qoraalkan soo saaray ayaa sheegtay in horumar balaaran ay sameeyeen ciidamada amnigu oo ay inta badan ka saareen kooxda Al Shabaab ee ka hawlgeli jirtay Muqdisho.
Waxaana qoraalka lagu sheegay in dawlada Mareykanku sii wadi doonto taageerada ay siiso dadlka iyo dalka Soomaaliyeed.
Mareykanka ayaa si weyn u maalgeliyay dagaalka ka dhanka ah ee lagu qaaday kooxda Al Shabaab.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com