|

Mareykanka oo soo dhoweeyay heshiiska dowladda federaalka iyo Jubba

Nairobi 29.Aug 2013 (SDN)- Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay heshiiskii shalay oo Arbaco ahayd ay gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Jubbaland.

James-P.-McAnulty1Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa war qoraal ah ku soo dhoweeyay saxiixitaanka heshiiska u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo wafdiga Jubbaland kaddib wada-hadallo qaatay hal toddobaad oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

James P. McAnulty wuxuu ku ammaanay wufuudda labada dhinac horumarka wax ku oolka ah ee ay gaareen iyo sida ay isugu tanaansuleen.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay sii wadi doonto inay dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ka taageerto sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa arrimaha walaaca laga qabi karo.

James P wuxuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in labada dhinac ay hirgeliyaan qodobbada heshiiska.

Ergeyga wuxuu kaloo ammaanay doorka muhiimka ahaa ee dowladda Itoobiya ay ku lahayd fududeynta heshiiska.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Axmed Madoobe hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna muddo labo sano ah hoggaamin doonaa maamul cusub oo loo bixiyay Maamulka KMG ah ee Jubba.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed