|

Mareykanka oo Shuruuc adag ku soo Rogay SoomaalidaDalkaa loo Soo Qaadayo

Nairobi May 17,2012(SDN)-Safaaraa Mareykanka ee dalka Kiinya ayaa soo saartay shuurc adag oo ku wejahan Soomaalida dooneysa in ay Mareykanka u boqoolaan.

Shuurcdan ayaa laga warhelay ka dib kolkii Soomaali fara badan dhawaan loo diiday dal ku galka Marekanka.

Shaqaalaha Safaarda Nairobi ayaa haatan dalbanaya cadeymo dheeri ah oo xaqiijinaya in ay yihiin cida ay sheeganayaan.

Cabdinasir Cabdulahi oo ah Qareen dhanka Socdaalka ah oo ku nool Mareykanka ayaa sheegay in Soomaali faro badani caawimo weydiisatay.

“Afartii bilood ee u danbeeyay ayay Soomaali badani caawimo i weydiisatay,dhibtuna waxa ay bilaabatay dhamaadkii sanadkii hore ka dib kolkii Mareykanku dalbaday aqoonsi in ay ka qaataan Kenya”ayuu yidhi Qareenku.

Dawlada Kiinyana ma siiso Soomaalida aan Qaxootiga aheyn waraaqo Aqoonsi ayuu yidhi Qareenku.

Dawlada Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in aaney Soomaaliya dawladi ka jirin intii ka danbeysay 1990kii.

Sidaa awgeed Mareykanu waxa ay aqbali jireen Nootaayooyinka,balse hada taa waa la joojiyay.

Iminka xitaa DNA da ayaan la aqbalin,taas oo adkeysay in Viseyaasha la helo.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed