Mareykanka oo laga codsaday in uu magdhaw siiyo qoysas Soomaaliyeed
Moqdisho December 19, 2023 (QJ) -Mareykanka ayaa laga codsaday in uu wax ka badalo qaabka uu u wajahayo duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya sababo la xiriira walaaca laga qabo khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka.
In ka badan 20 hay’adood oo maxalli ah iyo kuwa caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si wada jir ah ugu boorriyay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay duqeymaha cirka ah ee Soomaaliya.
Hay’adahan ayaa codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo wararka sheegaya khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, iyo sidoo kale in wax laga qabto qoysaska dhibaatadu gaartay. Waxa ay sidoo kale walaac ka muujiyeen in madaxda ciidamada Mareykanka ay muujiyeen in aysan daneyneyn cabashada dhibanayaasha Soomaalida ee duqeymaha cirka ah.
Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa lagu soo bandhigay kiisas kala duwan oo waxyeelo rayid ah oo ay geysteen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday dhacdooyin la xiriira khasaare nafeed iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Warqadda ayaa lagu xusay in qoysaska ay dhibaatadu saameysey aysan helin jawaabo lagu qanco ama magdhow.
Waxaa intaa dheer, warqaddu waxay sheegaysaa in Wasaaradda Difaaca ay u qoondaysay saddex milyan oo dollar sannadkiiba Taliska Maraykanka ee Afrika si loogu bixiyo kharashaadka waxyeellada rayidka loo geysto.