Mareykanka oo lacago hore leh duldhigay madaxda sare ee Al Shabaab
Muqdisho November 14, 2022 (SD) – Mareykanka ayaa goor dhaweyd shaacisay in kordhisey abaal marin lacageed oo uu horey u dul dhigay saddex hogaamiyeyaal oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Lacagaha raggan hore loo dul dhigay oo aheyd min shan milyan oo Dollar ayaa haatan la gaarsiiyey $10 milyan oo dollar midkiiba, taasoo la siinayo qofkii xog ka keena halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee Ururka Al-Shabaab.
War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho iyo safaarada dalka Kenya ee Mareykanka ayaa lagu sheegay shabaabku masu’ul kayihiin falal argagaxiso ah oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo wadamada deriska kuwaasoo ay ku ay ku dhinteen kumanaan.
Hogaamiyeyaashan uu Mareykanku baadigoobayo ayaa kala ah magacyadooda Mahad Karataay iyo Jehad Mustafa iyo Axmed Diiriye oo ah madaxda sare ee kooda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-Qaacida.