Mareykanka oo Lacago aad faro Badan dul dhig Ajaanib Soomaaliya ka Dagaalamay
Washington Mar 21,2013(SDN)-Wasaarada arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka ayaa shaacisay in ay lacago aad u badan ku bixinayaan cida ala iyo cidii keenta xog ku saabsan laba nin oo dhalashadoodu tahay Mareykan oo ku biiray kooxda Al Shabaab.
Sawiro iyo xogo ku saabsan Cumar Shafiiq Xamaamami iyo Jihad Serwan Mustafa ayaa la dhigay boga wasaarada arrimaha dibedda iyo saxaafada.
Mareykanka ayaa ragan madaxooda dul dhigay aduun dhan 5 milion oo dollar midkiiba,iyaga oo ragani ay hore uga mid ahaayeen dadka ay FBIda Mareykanku baadi goobayeen.
Cumar iyo Jihaad ayaa xiliyo kala duwan tegay Soomaaliya kuna biiray ciidamada Al Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamda dawlada iyo kuwa AMISOM.
Cumar Xamaami ayaan haatan wax miisaana ku dhex leheyn kooxda Al Shabaab oo uu mar madaxdooda sare ka mid ahaa.
Jehad ayaa isagu ahaa hogaamiyaha Ajaanibka Soomaaliya u Jihaadka tegay isla markaana dhanka saxaafada u qaabilsanaa Shabaabka.
Ragan Mareykanka ah ayaaney cidina la socon halka ay jaan iyo cidhib dhigeen intii ka danbeysay jakii kooxda Al Shabaab.
Mareykanka ayaa hore u Shabaabka ugu biiriiyay ururada Argegixisada mamnuucayna la macaamilka ashqaasta ururkaas u dagaalamaba.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com