|

Mareykanka oo la dhacsan dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Rome March 03, 2023 (QJ) – Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika General Michael Langley ayaa sheegay in ay aad ugu rajo weyn yihiin in dowladda Soomaaliya ay guulo ka gaarto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Gen Langley oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee madaxda difaaca Africa ee ka dhacay magaalada Rome ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay dadaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ugu jiro la dagaalanka joogitaanka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu xusay in Dowladda Mareykanka ay ka taageerto Dowladda Federalka Somaliya dadaalka ay ugu jirto la dagaalanka Ururka Al Shabaab, isla-markaana aysan jirin wax muhiim ah oo dhinaca ammaanka ah oo ka dhasha hawlgaladaasi. Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa qaarada Afrika ku bixiyay in ka badan 2.5 bilyan oo dollar oo ah kaalmeynta la dagaalanka argagixisada, iyadoo $1.3 bilyan oo ka mid ah lacagtaas si gaar ah loogu qoondeeyay Soomaaliya.

Shirka Madaxda Difaaca Afrika ee sanadka 2023 ayaa waxaa isugu yimid hogaamiyayaal ka kala socda 43 dal oo Afrikaan ah iyo 15 wadan oo ka tirsan NATO oo ka dhacay magaalada Rome, si ay uga wada hadlaan dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada iyo muhiimada iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha dhanka ammaanka.

Comments are closed